Turkiga oo doonaya in uu wadahadal ku xaliyo khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Kenya

0

Dowlada Turkey ayaa ka shaqeynaysa sidii Soomaaliya iyo Kenya la isugu keeni lahaa miiska wada hadalka si loo xalliyo dacwada badda ee u dhexeysa labada dal,iyadoo dacwadan ay taal Maxkamada Caalamiga ee Cadaaladda.

Wasiirka Arimaha Dibada Mevlüt Çavusoglu uu booqan doono Kenya iyo Soomaaliya horaanta bisha soo socota halkaas oo lafilayo inuu kula kulmo Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo Uhurro Kenyatta oo labaduba bilihii lasoo dhaafay xiriirkoodu uusan wanaagsanayn.

Sida laga soo xigtay ilo xogogaal Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan wuxuu aad u daneynayaa in labada dal ay xal nabadeed ka gaaraan dacwadda badda oo ahayd isha ugu weyn ee khilaafaadka labada dal u dhexeeya.

Ankara waxay u aragtaa inay ka faa’iideysaneyso xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya maadaama ay ganacsi kala dhexeyso labada dal waxayna u aragtaa inay yihiin aasaas ay ku xoojin karto saameyntooda kaliya mandiqadda Bariga iyo Geeska Afrika laakiin guud ahaan qaaradda.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa tuurtay codsigii Kenya ee bishii hore markii afaraad oo dib loo dhigo kiiska waxayna xukuntay inay dib u bilaabato 15-ka Maarso. Waxaa la filayaa inay soo gabagabeyso kiiska sannadkan oo ay soo saarto xukun kaas oo ah mid qasab ah oo aan rafcaan laga qaadan karin.
Xiriirkii xumaa ee ka dhexeeyay Muqdisho iyo Nairobi toddobaadyadii la soo dhaafay oo arkay burburka xiriirka diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale qeyb ka noqon doona ajendaha Çavusoglu ee gobolka.
Labada dal waxaa ka dhaxeeyay xiriir aan wanaagsaneyn labadii sano ee la soo dhaafay taasoo ugu dambeysay burburkii xiriirkii bishii November ee la soo dhaafay.

Soomaaliya waxay eriday safiirkii Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo bishii Nofeembar waxayna laashay dhammaan shaqaalaha diblomaasiyadayda bartamihii Diseembar sababo la xiriira waxa maamulka Farmaajo ku sheegay faragelinta joogtada ah ee arrimaha gudaha dalkiisa.

Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan oo saameyn weyn ku yeeshay howlaha dib u dhiska Soomaaliya gaar ahaan dib u dhiska dhaqaalaha dalka iyo militariga ayaa isku dayay inuu ka dhex muuqdo quwadaha reer galbeedka oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Midowga Yurub iyo UK oo iyagu gacan weyn ku hayey Geeska Afrika.