Tuutow qarax celi!

0

Xafiiska QM ee Muqdisho, wuxuu shaqaalaha ka jooga Xamar u wada diray dhambaalkan dhiillo. IS JIRA QARAXYO ayaa dhici karee! Wadna kurkur!

Dawladdeennu maxay uga jawaabtay? Aamus iyo tuute la xirto. Taasi ma talaa? Ma tabbaa? Is ma dhihin, ee tiiha lagu jiro ayey tusmo iyo tusaale u tahay.

Ka sokow, weli dalku wasiir gaashaandhig ma lahan, agaasime laan sirdoon ma lahan, taliye boolis ma lahan. Sidee wax loo/lagu wadaa? Si waalan!

Dhanka kale, waxa aysan weli dawladdu la wadaagin bulshada qasaarihii dhabta ah, ee ka dhacay isgoyska ZOOBE 14/10; dhimasho, dhaawac, dad la la’yahay iyo qasaaraha hanti ee laga dhaxlay. Is la xisaabtan, waxaa ka horreeya is xisaabin.

Si la mid ah, guddigii xildhibaanno ee loo xilsaaray dhiibistii Qalbi Dhagax weli waa laga sugaa warbixintii ay ku maqnaayeen, hadday soo heleen ama u dhaqaaqeen.

Intaa waxaa u dhaxaysa sida ciidanka loo dayacay, haddana Xabshi looga doorbiday. Baahida Xabashi loo qabay, ee aan loogu gargaarin ciidankii ku sugnaa saldhigga Bariirre, ee in ka badan afartanka askari Shabaab uga dileen.

Marka maadaama tuutegashi iyo darees ciidan xirashadii lagu waashay, oo malaha madaxda qaarkood habeenkii ku seexdaan, ayaan tuutihii farriintaan faalin u faray;

“Tuutow qarax celi

Talo qumman keen

Tusmo qoran sheeg

Tub qiyaas mari

Taabba qool geli

Tigaad quud bixi

Qarxi tab dagaal

Tus qoraal dhigan

Tuugo soo qabo

Tuulo col ka qixi

Tiirka qodob ku mud

Tiiha qardajeex

Teeda sugan qeex

Tolku qaxarkiyo

Tahar ha qubee.”

 

W/Qoray: Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com