Ubax Tahliil “Qaraxyada Muqdisho ka dhacay maanta Shabaab kama dambeeyaan ee waxaa sameeyey…”

0

Xildhibaanada Ubax Tahliil Warsame oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa ka dhawaajisay in qaraxyada Maanta Muqdisho ka dhacay inaysan ka dambeyn ururka Al-Shabaab.

Xildhibaanada oo ka hadleysay kulan ay isugu imaadeen Xildhibaanada doonayo inay xilka ka qaadaan Prof. jawaari oo ka dhacay Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay qaraxyadaas ka dambeeyaan shakhsiyaad dano Siyaasadeed leh oo doonayo inay wadanka qasaan sida ay hadalka u dhigtay.

Ubax Tahliil ayaa sidoo kale sheegtay in Markii Prof jawaari loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka inay u saartay Shaal haddana ay kala noqotay .

” Jawaari markii la doortay shaal baan saaray, maantana naxash baan saaray” ayey tiri xildhibaanada Ubah Tahliil.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka dhacay laba qarax muddo laba saac gudahood, waxaana labadoodaba lala eegtay koontaroolada ay ciidamada dowladda ku baaraan baabuurta.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyada Muqdisho ka dhacay waxaana war  saxaafadeed kasoo baxay lagu yiri:

“Mujaahidiinta ayaa camaliyaad istish-haadi iyo inghimaasi ah ku beegsaday maleeshiyaad katirsan Kooxda Ridada oo ku sugnaa gudaha magaalada Muqdisho, qaraxa koowaad oo istish-haadi ahaa waxaa lala helay goob uu cadawgu ka ilaaliyo garoonka diyaaradaha 12 murtad ayaa ku dhimatay qaraxa koowaad, weerarka labaad wuxuu ka dhacay Say Biyaano oo Mujaahid inghimaasi ah ayaa weeraray maleeshiyaad murtadiinta katirsan 6 kamid ah cadawga alle ayuu toogasho ku dilay kadibna gaari ayaa ku qarxay cadawga markii ay goobta isugusoo baxeen”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Qaraxyadaan ayaa waxay kusoo aadayaan xilli ay Muqdisho ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeyso Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo ay qaarkood doonayaan inay xilka ka qaadaan Guddoomiye Jawaari halka qaar kalana ay difaacayaan.