Uganda: Askari Ari xadayay oo la dilay

0

Sida uu qoray Wargeyska The Monitor ee kasoo baxa magaalada Kampala ee dalka Ugandha, waxaa  Tuulladda Anyola ee dalkaasi lagu dilay Askari ka tirsanaa ciidamada dowlada xili uu ku guda jiray xadista Seddex neef oo Ari ah.

Askarigaan ayaa waxaa dilay dadka Tuulladda Anyola waxa uuna xoolaha ka xaday haweeney da’ ah, sida uu qoray wargeyska.

Wargeyska waxa uu qoray in Askarigaasi lagu magacaabi jiray Fred Otim isla markaana ka tirsanaa Guutadda Alpha Battalion ee saldhigoodu yahay Degmadda Oyam.

Dadka deggan Tuulladda Anyalo ayaa la sheegay inay Askariga garaaceen ilaa uu ka geeriyoodo.

Fred Otim oo 48-jir ah ayaa lagu helay inuu Haweeney carmal ah oo 62-jir uu ka xaday 3 neef oo Ari’ ah.

Sidoo kale, wargeysyada ayaa qoray in haweeneydaasi lagu magacaabi jiray Anjulet Amongi.

Si kastaba ha ahaatee, Askariga la dilay ayaa la sheegay inuu lahaa 3 guri, oo mid ku dhex yaalla Xeradda Ciiddanka ee Looro ee uu ka tirsan yahay, halka 2 kalena ku yaallaan meel ka baxsan Xerada, wuxuuna ku kaydsan jirey alaabta uu soo xado.