Uganda iyo Sudan oo digniin kasoo saaray 1,000 Askari ee AMISOM ay kala Baxeyso Somalia

0

Dowladaha Uganda iyo Sudan ayaa waxay sheegeen in Halista Amni ee Soomaaliya ay sii kordhi karto haddii QM ay ku adkeysato go’aanka ciidanka AMISOM qeyb ka mid ah looga saarayo Soomaaliya.

Dalalkan ayaa ka hadlay hadalkii dhowaan kasoo baxay Xafiiska Sare ee Ururka Midowga Afrika AU kaasoo lagu sheegay in Ciidankan dalka Soomaaliya looga saarayo sabab la xiriirta in aysan heli Karin dhaqaalihii lagu bixin lahaa haddii ay sii joogaan Soomaaliya.

Ciidankan ayaa laga saari doonaa Soomaaliya dhammaadka Sanadkan, waxaana sida labada dowladood ay sheegeen ay khatarta dhanka Ammaanka taasi kusii badin kartaa Dalka Soomaaliya oo ay Ururrada dowladda ka horjeeda yihiin kuwo iyaguna sii xoogeysanaya.

Intii uu socday kulan ay ku qaateen Caasimadda UGANDA ee Kampala, Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo dhiggiisa Uganda ayaa waxay digniin adag kasoo saareen Arrintaan iyagoo si isku mid ah ugu arka Khatar kusoo wahan dalalka Bariga Afrika oo dhan.

Waxayna sheegeen si Nabadgelyada Soomaaliya loo xoojiyo aysan aheyn in Beesha Caalamku ay waqtigaan qaataan go’aan la mid ah midkii lagu dhawaaqay Toddobaadkii hore ee ahaa in 1000 ka mid ah Ciidanka AMISOM dalka laga saarayo Sanadkan dhammaadkiisa.

Ciidanka AMISOM ayaa ku jabay dhowr mar oo hore weerarro ka dhacay Koofurta Soomaaliya, iyadoo ay ka mid ahaayeen laba weerar oo ka dhacay Shabeellaha hoose, kuwaas oo looga dilay AMISOM ku dhowaan 180 Askri, sidoo kalena looga qabsaday goobo iyo Gaadiid Dagaal.

Waxay kulan uu yeelanayo Golaha Ammaanka labadaan Madaxweyne u direen Farriintaas adag oo dhanka Ammaanka ah, iyadoo kulanka Golaha Ammaanka Aad loogu eegi doono Xaaladda Soomaaliya.