UK oo sheegtay in Al-shabaab aysan Taageero ka helin Eritrea

0

Danjiraha Dowladda Britain u jooga Qaramada Midoobay Matthew Rycroft ayaa daaha ka qaaday in aysan jirin wax caddeymo ah oo muujinaya in Al-shabaab ay taageero Meletari ka helaan dowladda Eritrea.

Ma uusan xaadirin Kulankii golaha Ammaanka ee Xalay lagu qabtay New York, kaasoo loogu codeeyay in muddada loo kordhiyo Dabcinta Cunaqabateynta Hubka ee Saaran Soomaaliya.

Isagoo la hadlayay Wargeyska kasoo baxa Mareykanka ee Inner City Press ayuu sheegay in aysan ilaa hadda dowladdiisa iyo kuwa Xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay aysan helin caddeymo la hubo oo muujinaya in Al-shabaab ay taageerto dowladda Eritrea.

“Waxaa lagu guuldarreystay in la kala qaado labada Qaddiyadood ee Dowladda Eritrea iyo Soomaaliya ee dhinaca Cunaqabateynta, waxaa muuqata in aysan jirin caddeymo lagu hayo ilaa Iminka Dowladda Eritrea sidaas darteed miyeysan aheyn in iyaga laga qaado cunaqabateynta haddii aan la keeni Karin caddeymo” ayuu is weydiiyay Matthew Rycroft.

Wuxuu hadalkiisa intaas raaciyay in Lix Bilood mar hadda laga joogo ay Golaha Ammaanku ku kala qeybsameen Arrinta Cunaqabateynta Eritria, in kastoo uu kulankii xalay ka maqnaa haddana waxaa isla Kulankaas laga sheegay in aan la heyn Caddeymo muuqda oo sheegaya in Al-shabaab ay Taageero ka helaan dowladda Eritrea.