UNHCR oo sheegtay in Toddobaad Walba ay 5,000 oo Muhaajiriin Soomaali ku jiraan ay u Tahriibaan Yemen

0

Warbixintan oo lagu daabacay wakaaladda wararka Anadol ee Turkiga ayaa lagu sheegay in badi dadkaan ay ka tagaan bariga Africa kuwaa oo naftooda ku biimeeya badda cas si ay u galaan Yemen.

Warkan qoraalka ah ayaa laga soo saaray kulan wacyi galin ah oo ay yeesheen saraakiisha UNHCR iyo koox Fannaaniin can ka ah bariga arfica kaa oo looga hadlayay wacyi galinta khatarta loo bareero ee badaha.

Ku xigeenka madaxa Hay’adda UNHCR  Matthew Krentsil oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay si wada jir oo hay’adda u qabatay ayuu ku sheegay in dadka tahriibayaasha ah aysan ku baraarug saneeyn khtarta ay kala kulmi karaan badaha ay marayaan.

U jeedka Ololahan ayuu ku tilmaamay in uu yahay wacyi galin loo helo dadka ka tahriiba dalalka Kenya, Ethiopia, Somalia, iyo Djibouti.

Kulankan wacyi galinta ah oo ay ka qeeyb galeen Fannaaniin can ah iyo shakhsiyaad ka bad baaday khtarta tahriibka ayaa lagu tilmaamay mid sare u qaadi kara ka wacyi galinta dhalinyarada tahriibka ah.

Soomaali badan ayaa sanad walba u tahriibta Yeman , iyaga oo nafsaddooda ku biimeeya khatarta  badda halkaa oo qaar koodna ay ku dhintaan.

Kuwa ka bad baadana waxa ay ku wajahaan gudaha yeman xaalado adag oo dhanka nolosha ah.