UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka banaan: KAALIYAHA AMNIGA EE GOOBTA

0

UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA

(UNSOM)

MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN

TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH               : 07 JUUN 2018

TAARIIKHDA SOO SAARISTA                           : 09 MAY 2018

MAGACA JEGADA                                           : KAALIYAHA SARKAALKA ISU-

                                                                           DUWAHA AMNIGA

HEERKA                                                           : GL 5

QAYBTA                                                           : QAYBTA WAX IIBSIGA

GOOBTA                                                          : MUQDISHO

MUDDADA HESHIISKA                                  : HAL (01) SANO OO MUDDO GO’AN

LAMBARKA OGEYSIISKA BOOSKA BANNAAN : UNSOM/SEC/025/2018

Warbixin Gaar ah:

Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo hordhac ah kaliya, Muddo kordhintana waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Booskan waa mid maxalli ah. Qofka shaqada codsanaya ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doono si uu ula wareego booskan. Dhammaan dadka daneynaya shaqadan waxaa si weyn loogu boorrinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan hab online ah (internet) sida ugu dhaqsiyaha badan kaddib markii la xayeysiiyo shaqadan iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee ku cad xayeysiinta.

Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

Qaabeynta hay’adda iyo Xiriirka Warbixinta:

Booska waxaa uu ka bannaan yahay Xafiiska Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Kaaliyaha Sarkaalka Isu-Duwaha Amniga waxaa uu hoos imaanaya madaxa Qaybta Amniga Dab-damiska. Asaga ama ayada waxaa uu taageeri doona isla markana gacan siin doonaa Qaybta Amniga Dab-Damiska ee goobta howlgalka si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo amniga xubnaha shaqaalaha QM, dadka ku tiirsan ee u qalma iyo xarumaha iyo hantida QM ku yaal goobta howlgalka.

Asaga oo ka amar qaadayo isla markana hoos imaanayo kormeerka madaxa Amiga Qaybta Dab-Damiska, xilhayaha waxaa uu mas’uul ka noqon doona howl-maalmeedka amniga UNSOM/UNSOS iyo waajibaadyada soo socda:

  • Kaaliyaha Sarkaalka Isku-Duwaha Amniga waxaa uu mas’uul ka noqon doona waajibaadyada soo socda:
  • In uu madaxa Qaybta Dab-damiska ka caawiyo maareynta arrin kasta oo la xiriira Qaybta Dab-daminta.
  • In uu sameeyo uuna joogteeyo xiriir dhow oo uu la yeelanayo laamaha amniga ee dalka martida loo yahay, uuna noqdo qof u dhaxeeya xirfadleyaasha sare ee amniga iyo adeegyada dalka martida loo yahay, si ay uga wada hadlaan dhibaatooyinka suurtagalka ah, isla markana ay qorsheeyaan siyaabaha lagu xallin karo;
  • In uu wada hadal joogta ah la yeesho mas’uuliyiinta iyo hay’adaha caalamiga ah sida Laanqeyrta Cas haddii ay dhacaan musiibooyin dabiici ah;
  • In uu xubin ka noqdo koox isku dhafan oo eega arrimaha aan joogtada ahayn, sida bixinta miinooyinka, daad-gureynta, xaalado caafimaad oo degdeg ah, afduub, weerarro hub loo adeegsaday, xiritaanka iyo xabsi dhigista, ama colaad halis ku ah nabadgelyada shaqaalaha iyo dadka ku tiirsan;
  • In uu ka gacan ka geysto qiimeynta socoto ee daad-gureynta loo marayo hawada, dhulka iyo badda, iyo agabka iyo hantida loo adeegsanayo xaaladaha degdegga ah, asaga oo xaqiijinayo in ay diyaar yihiin gaadiid, diyaarado, maraakiib, iyo waddo la mari karo;
  • In uu xaqiijiyo in ay xarumaha yaalaan qalabka lagu ogaado in uu meel dab ka kacay, iyo qalabka dab-damiska. In uu diyaariyo qorshaha lagu talagalay daad-gureynta markii uu dab kaco, iyo in uu sameeyo dhoolatus iyo aaddan ku aaddan dabka markii loo baahdo;
  • In uu daraasadeyn amni oo joogta ah ku sameeyo xafiiska, guryaha iyo xarumaha;
  • In uu xaqiijiyo in xubnaha shaqaalaha iyo dadka ku tiirsan ay si buuxa u og yihiin arrimaha saameynta ku leh amnigooda iyo nabadgelyadooda;
  • In uu baaritaan sameeyo uuna diyaariyo warbixinno ku saabsan arrimaha la xiriira xatooyada, galitaan aan sharci ahayn, weerar, ama dhacdooyin kale markii baaxadda xadgudubka la ogaan karo;
  • In uu Saraakiisha Amniga ee heerka sare uu ka caawiyo diyaarinta siyaasadaha iyo hab-raacyada loogu talagalay in dib u eegis loogu sameeyo xaaladaha dhibaatada ah, isla markana uu diyaariyo qorshaha xaaladaha degdegga ah ee dhici kara;
  • In uu xaqiijiyo in ay diyaar yihiin nidaamyada xiriirka degdegga ah, isaga oo sameynayo baaritaan wakhtiile ah ee uu ku ogaanayo in ay si sax ah u shaqeynayaan nidaamyada, isla markana uu diyaariyo cillad-bixintooda ama wax ka beddelkooda;
  • In uu gacan ka geysto qorista, tababaridda iyo kormeerka ilaallada maxalliga ah;
  • In uu fuliyo waajibaadyada kale ee loo baahdo.

Kartida

Xilkasnimada: In uu leeyahay aqoon ku aaddan siyaasadda maareynta amniga iyo hab-raacyada iyo xeeladaha amniga goobta; in uu soo saari karo warbixinno iyo warqado ku aaddan arrimaha amniga; in uu faham u leeyahay Nidaamka Maareynta Amniga ee QM, xeeladda tababarka ee DSS iyo in uu yahay qof tababare ah oo la yaqanno; In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura.

Xidhiidhka: In uu si wanaagsan oo fasiix ah u hadli karo waxna u qori karo; In uu dhagaysto dadka kale, in uu si sax ah u fasirto farriimaha dadka kale isla markana uu si habboon uga jawaab celiyo; In uu su’aallo weydiiyo si uu u helo faham sax ah, iyo in uu muujiyo in uu daneynayo wada-hadal labo dhinac ah; In uu saxo luuqadda, codka, habka iyo qaabka uu u hadlayo, si waafaqsan dadka dhageysanayo; In uu muujiyo furfurnaan dhanka is dhaafsiga macluumaadka iyo in uu mar kasto wargeliyo dadka.

Qorsheynta iyo Qaabeynta: In uu diyaariyo yoolal cad kuwaas oo waafaqsan xeeladaha la isku afgartay; in uu garto howlaha iyo shaqooyinka mudnaanta la siinayo; in uu wax ka beddelo howlaha mudnaanta la siiyay sida loo baahdo; in uu wakhti iyo agab ku habboon ku bixiyo dhammeystirka shaqada; in uu saadaalin karo halista uuna u diyaargaroobo xaaladaha degdegga ah markii uu sameynayo qorshaha; In uu la socdo uuna wax ka beddelo qorshaha iyo tallaabooyinka sida loo baahan yahay; in uu wakhtiga u adeegsado si hufan.

Aqoonta:

Waxbarashada: Shahaado sare ee jaamacadda ee dhinaca maareynta amniga, maareynta macluumaadka ama fanka maamulka ganacsiga, sayniska siyaasadda/bulshada ama xiriirka caalamiga ah iyada oo xoogga la saarayo maareynta amniga. Shahaado heerka koowaad ee jaamacadda oo ay la socdaan labo sano oo uu shaqo ah waa la aqbali karaa beddelka shahaaddada heerka sare ee jaamacadda. Diploma oo laga qaatay dugsiga la ictiraafsan yahay oo lagu tababaro militariga ama booliska oo ay wehliyaan afar sano oo shaqo ah ayaa la aqbali karo beddelka shahaaddada heerka koowaad ee jaamacadda.

Khibradda: Ugu yaraan seddax sano oo uu qofka waayo-aragnimo wax ku ool ah ka helay dhinaca baaritaanka, militariga, booliska, maareynta amniga gaar ahaan dhinaca booliska ama militariga ama wax u dhigma.

Luuqadda: Ingiriis iyo Faransiis ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qarammada Midoobay. Booskan waxaa loo baahan yahay qof fasiix ku ah luuqadaha Ingiriiska (hadal iyo qoraalba). Aqoonta luuqadda maxalliga ah waa mid muhiim ah.

Habka Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma booskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto imtixaan ku saabsan kartida.

Sida loo gudbiyo codsiga:

Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose markii la joogo ama ka hor taariikhda kama dambeysta ah. P11 waxaa aad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee ah Juun, 7 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono. Kaliya dadkii la soo xusho ayaa loogu yeeri doonaa in ay ka qayb-galaan imtixaanka.

Email-ka: recruitment-unsoa@un.org

Fadlan ku lifaaq nuqulka foomka P.11, Shahaaddada Jaamacadda, Xaashida NISA, Xaashida CID, Baasaboor iyo/ama Teesaraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ayna qayb ka yihiin codsigaaga looguna talagalay in lagu qiimeeyo in aad u qalantid.

Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKA SHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)