UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka banaan:    KAALIYAHA AMNIGA

0

UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA

(UNSOM)

MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODS

TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH                             :               29 MAAY 2018

TAARIIKHDA SOO SAARISTA                                         :               30 ABRIIL 2018

MAGACA JEGADA                                                              :               KAALIYAHA AMNIGA EE GOOBTA

HEERKA                                                                           :              GL-4

QAYBTA                                                                            :               AMNIGA

GOOBTA                                                                            :               DHUSAMAREB

MUDDADA HESHIISKA                                                    :               HAL (01) SANO OO MUDDO GO’AN AH  

LAMBARKA OGEYSIISKA BOOSKA BANNAAN              :               UNSOM/SEC/023/2018

Warbixin Gaar ah

Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo hordhac ah kaliya, muddo kordhintana waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Booskan waa mid maxalli ah. Shakhsiga booskan codsanaya ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixin doono si uu ula wareego booskan. Dhammaan dadka daneynaya shaqadan waxaa si weyn loogu boorrinayaa in ay codsiyadooda ku soo gudbiyaan hab online ah (internet) sida ugu dhaqsiyaha badan kaddib markii la xayeysiiyo shaqadan iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee ku cad xayeysiinta.

Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

Qaabeynta hay’adda iyo Xiriirka Warbixinta

Booskan waa boos ka bannaan Xafiiska heer Gobol ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ee ku yaal Dhusamareeb. Kaaliyaha Amniga Goobta waxaa uu ka amar qaadan doonaa sarkaalka Amniga ee Gobolka (RSO). Iyada ama isaga waxaa uu taageeri doona uuna ka caawin doona RSO xaqiijinta ammaanka iyo amniga xubnaha shaqaalaha QM, xarumaha iyo hantida QM ee ku yaal goobta howlgalka. Markii iyo haddii loo baahdo, Kaaliyaha Amniga Goobta waxaa uu gacan ka geysan doonaa tababarka iyo qorsheynta amniga ee howlgalka.

Waajibaadyada iyo Mas’uuliyadaha

Kaaliyaha Amniga ee Goobta waxaa uu mas’uul ka yahay waajibaadyada soo socda:

  • In uu adeegyo dhinaca taageero maamul oo guud fidiyo si uu ku caawiyo Saraakiisha Amniga in ay gutaan waajibaadyadooda ku aaddan xubnaha shaqaalaha iyo dadka ku tiirsan;
  • In uu gacan ka geysto uruurinta xogta iyo faafinta macluumaadka habboon ee la xiriira amniga kuwaas oo ay baahan yihiin Madaxa Amniga, Ku Xigeenka Madaxa Amniga iyo Saraakiisha Amniga si ay u falanqeeyaan xaaladda amniga;
  • dukumiintiyo ee la xiriira amniga oo ay ka mid yihiin Qorshaha Amni, SRM, warbixinnada joogtada ah, iyo warbixin kasta oo la xiriira howlaha waaxda ammaanka iyo sidoo kale in uu caawinaad dhinaca maamul uu u fidiyo qaybaha Laanta Howlgalka;
  • In uu diyaariyo waraaqaha uuna joogteeyo diiwaannada Tababarka Amniga ee la siiyo shaqaalaha amniga iyo kuwa jooga goobaha howlgalka;
  • In uu fidiyo taageero xilliga hirgelinta Qorshaha Amniga isaga oo ku fulinaya amarka Madaxa Amniga;
  • In uu gacan ka geysto dib u eegista shuruudaha saadka iyo tallaabooyinka kale ee la xiriira ee looga baahan yahay diyaarinta koorsooyinka tababarrada, dhoolatuska iyo howlaha kale ee la xiriira amniga;
  • In uu la socdo uuna fududeeyo hirgelinta siyaasadaha iyo habraacyada amniga isaga oo si dhow la kaashanayo kormeerayaasha qaybta howlgalka amniga iyo kuwo kale;
  • In uu dhiso uuna joogteeyo xiriir dhow oo uu la yeelanayo hay’adaha amniga ee dalka uuna isku xiro xirfadleyaasha amniga iyo adeegyada dalka, si looga wada hadlo dhibaatooyinka jiri karaa isla markana loo qorsheeyo qaababka lagu xallin karo;
  • In uu gacan ka geysto abaabulka iyo qabashada howlaha wacyigelinta iyo u diyaargarowga amniga, isla markana uu tababar ku aaddan amniga u fidiyo xubnaha shaqaalaha ee cusub iyo sidoo kale in uu jeediyo warbixinno la xiriira amniga, sida loogu baahdo;
  • In uu gacan ka geysto diyaarinta koorsooyinka Tababarrada ees soo Dhaweynta, iyo bandhigyada iyo dukumeentiyada la xiriira;
  • Markii iyo haddii loo baahdo, in uu bandhigyada amniga uu u diyaariyo Madaxa Amniga iyo Saraakiisha Amniga ee ka mid ah laamaha kale;
  • In uu qabto waajibaadyada kale ee uu amar ku siiyo RSO-ga ama qof uu u xilsaaray.

Kartida

Xilkasnimada: In si qoto dheer uu u fahamsan yahay arrimaha siyaasadeed, mid bulsho iyo mid dhaqaale ee gobolka Galgaduud. In uu ogaan karo uuna falanqeyn karo arrin la xiriira siyaasad, qabiil ama dhaqaale ee suurtagelin karaa kacdoon shacab. In la hubo in uu dhisi karo isla markana uu xiriir joogta ah la sameyn karo daneeyayaasha dhinaca maamulka iyo bulshaduba. In uu awood u leeyahay in uu sameeyo xog uruurin.  In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka.

Xidhiidhka: In uu si wanaagsan oo fasiix ah u hadli karo waxna u qori karo; In uu dhagaysto dadka kale, in uu si sax ah  u fasirto farriimaha dadka kale isla markana uu si habboon uga jawaab celiyo; In uu su’aallo weydiiyo si uu u helo faham sax ah, iyo in uu muujiyo in uu daneynayo wada-hadal labo dhinac ah; In uu saxo luuqadda, codka, habka iyo qaabka uu u hadlayo, si waafaqsan dadka dhageysanayo; In uu muujiyo furfurnaan dhanka is dhaafsiga macluumaadka iyo in uu mar kasto wargeliyo dadka.

Wadashaqeyn: In uu si wadajir ah ula shaqeeyo saaxiibbadiisa si loo gaaro yoolka hay’adda; In uu talooyinka uruuriyo asaga oo si dhab ah u qiimeynayo fikradaha iyo khibradaha dadka kale; in uu yahay qof diyaar u ah in uu dadka kale wax ka barto; In uu danaha kooxda uu ka horumariyo danaha shakhsi; In uu taageero uuna ku dhaqmo si waafaqsan go’aanka kama dambeyska ah ee kooxda, xata haddii go’aannadaas ay ka duwan yihiin mowqifkiisa; in uu amaanta guulaha la gaaray uu la qaybsado kooxda uuna aqbalo in uu qayb mas’uul ka yahay dhammaan waxyaabaha ay ka gaabisay ama ku fashilmeen kooxda.

Aqoonta:

Waxbarasho:         Shahaado dugsi sare ama wax u dhigma ayaa loo baahan yahay. Tababar/koorsooyin khaas ah ee dhinaca amniga waa muhiim.

Khibrad:                 Ugu yaraan saddex (03) sano oo uu qofka kororsaday khibrad habboon ee dhinaca Amniga ama shaqo la mid ah sida khibrad boolisnimo ama militari.

Luuqadaha:           Luuqadaha Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qarammada Midoobay.  Booskan waxaa loo baahan yahay qof fasIIx ku ah hadalka iyo qoraalka luuqadaha Ingiriiska iyo Af-Soomaaliga. Aqoonta luuqad kale ee Qaramada Midoobay waa faa’iido dheeraad ah.

Habka Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma booskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi ku saabsan kartida.

Sida loo gudbiyo codsiga:

Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose iyaga oo lambarka ogeysiiska shaqada bannaan iyo jegada shaqada ku qorayo qaybta mowduuca markii la joogo taariikhda kama dambeysta ah ama ka hor. Foomka P11 waxaad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee 29, Maay 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CV) lama aqbali doono. Kaliya dadka la soo dhejiyo ayaa lala soo xiriiri doonaa.

Email-ka: recruitment-unsoa@un.org

Fadlan ku lifaaq nuqulka foomka P11, Shahaaddada Dugsiga Sare,  Baasaboor ama Teesaraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ayna qayb ka yihiin codsigaaga isla markana loogu talagalay in lagu qiimeeyo in aad u qalantid. Fadlan ogow in Shahaadooyinka CID-da iyo NISA loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta.

Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKASHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)