UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka banaan:  KAALIYAHA INJINEERNIMADA

0

UNITED NATIONS SUPPORT OFFICE FOR SOMALIA

(UNSOS)

MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA

DUWANANSHAHA DADKA

BOOSKANI WAXAA UU U BANNAAN YAHAY MUWAADINIINTA SOOMAALIYEED KALIYA, MA NA LAHA FAA’IIDOOYIN LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

DUMARKA WAXAA SI KHAAS AH LOOGU DHIIRI GELINAYAA IN AY SOO CODSADAAN

 

TAARIIKHDA KAMA DAMBAYSTA AH                 :           02MAAY 2018 

TAARIIKHDA SOO SAARISTA                             :           3 ABRIL 2018

MAGACA JEGADA                                                 :        KAALIYAHA INJINEERNIMADA

HEERKA                                                               :        GL-5

QAYBTA                                                                :        QAYBTA XARUNTA DHEXE EE                                                                                           BAKHAARAYNTA 

GOOBTA                                                              :        MUQDISHO

MUDDADA HESHIISKAH                                     :        MUDDO HAL SANO OO GO’AN

LAMBARKA BOOSKA BANNAAN                         :        UNSOS/EA/018/2018

Warbixin Gaar ah

Booskan dhaqaalaha ku baxayo waxaa loogu talagalay hal sano oo kaliya, kordhinta muddada booskan waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Booskani waa mid maxalli ah. Qofka shaqada codsanayo ayaa mas’uul ka ah dhammaan wixii kharashaad ah ee ka bixi doona si uu ula wareego booskan. Dhammaan dadka soo codsanayaa waxaa si weyn loogu boorrinaya in ay codsigooda ku gudbiyaan habka internet-ka sida ugu dhaqsiyaha badan kaddib markii fursaddan la soo xayeysiyo iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee lagu gudbin karo codsiga.

Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda QM iyo Qandaraasleyda kale waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda QM si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

Qaabka Hay’adda iyo Xiriirka Shaqada:

Booskani waxaa uu ka bannaan yahay Qaybta Xarunta Dhexe ee Bakhaareynta ee Muqdisho. Qofka shaqadani ku guuleysan doona waxaa uu si toos ah u hoos tagaya Madaxa Qaybta Howlaha Bakhaarka.

Mas’uuliyadaha:

Kaaliyaha Injineernimada waxaa uu mas’uul ka noqon doona waajibaadyada soo socda;

  • Ka “Isticmaalaha Bakhaarka” waa in uu ku caddeeyo UMOJA dhammaan howlaha dhiman ee la xiriira Dalabka Wareejinta alaabta injineernimada ee la bixinayo iyo kuwa la dejinayo (Qaadashada iyo Meel dhigidda);
  • Daabicidda dhammaan Dalabka Wareejinta iyo qabanqaabinta qaadista iyo meel dhigista alaabta;
  • In uu la kaashado Qaybta Maareynta Hantida si loo hubsado in ay goobta joogaan inta lagu guda jiro “Qaadista iyo Meel Dhgista” alaabta;
  • In uu xaqiijiyo in tirada saxda ah, alaabta iyo goobta ay waafaqsan yihiin Dalabka Wareejinta (In laga qaado lana geeyo goobta loogu talagalay);
  • In uu xaqiijiyo in guud ahaan dhammaan alaabta/agabka la xirxiro lana diyaariyo si loo safriyo.
  • In uu xaqiijiyo in UMOJA la geliyo xogta caddeyneysa in Dalabka Wareejinta la dhammeystiray (Qaadista iyo Meel Dhigista).
  • In uu xaqiijiyo in alaabta injineernimada si sax ah loo keydiyo, alaabta u baahan in si gaar ah looga taxaddaro ama loo keydiyo sidaasi la yeelo;
  • In uu xaqiijiyo in howlaha gudboon ee lagu soo daray qaybta Wargelinta la dhammeystiray, waxaana ka mid ah taariikhda, wakhtiga iyo qofka howsha qabanayo;
  • In uu gacan ka geysto diyaarinta Codsiyada Safrinta Xamuulka (CMR);
  • In uu gacan ka geysto howl-maalmeedka hay’adda iyo maareynta xarumaha kaydinta injirneernimada;
  • In uu gacan ka geysto xaqiijinta xogta alaabta ku jira bakhaarka (Xisaabinta iyo Xakameynta);
  • In uu xaqiijiyo in dhammaan wixii khaladaad ah la ogeysiiyo kormeeraha;
  • In uu xaqiijiyo in dhammaan dukumiintiyada la xiriira Wargelinta/Dalabaadka Wareejinta loo gudbiyo qofka xiga ee ay khuseyso si loo nidaamiyo (Qaybta Qaabilidda);
  • In uu ka caawiyo Qaybta Qaabilidda dalabka macaamiisha ee alaabta injineernimada;
  • In uu fuliyo wixi kale ee looga baahdo;

Kartida:

Xirfadda: In uu muujiyo khibrad iyo aqoon ku saabsan Maareynta Alaabta. Waa in uu awood u leeyahay xaqiijinta diiwaan iyo xog sax ah oo khaas ah. In la xaqiijiyay in uu ku shaqeyn karo kormeer yar. In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka.

Isla-xisaabtan: In uu dhabarka saarto dhammaan mas’uuliyadaha uuna ka soo baxo ballanqaadyada; In uu ka soo baxo howlaha uu qofka mas’uul ka yahay xilliga loogu talagalay iyo kharashka iyo heerarka tayada ee loo baahan yahay; In uu howshiisa ku qabto si waafaqsan qawaaniinta iyo xeerarka hay’adda; In uu shaqaalaha ka hooseeya taageerro, in uu kormeero uuna qaado mas’uuliyadda howlaha loo igmaday; In uu qaato mas’uuliyadda waxyaabaha uu asaga iyo qaybtiisa ka gaabiyeen, meesha munaasabka ah.

Wada-shaqayn: In uu si wadajir ah ula shaqeeyo shaqaalaha kale si loo gaaro yoolka hay’adda; In uu afkaarta uruuriyo asaga oo si dhab ah u qiimeynayo fikradaha iyo khibradaha dadka kale; in uu yahay qof diyaar u ah in uu dadka kale wax ka barto; In uu danaha kooxda uu ka horumariyo danaha shakhsi; In uu taageero uuna ku dhaqmo si waafaqsan go’aanka kama dambeyska ah ee kooxda, xata haddii go’aannadaas aysan is waafaqsaneyn go’aankiisa; in uu amaanta guulaha la gaaray uu la qaybsado kooxda uuna aqbalo in uu qayb mas’uul ka yahay dhammaan gaabiisyada kooxda.

Aqoontas:

Waxbarashada: Shahaaddada Dugsiga Sare ama wax u dhigma ayaa loo baahan yahay.

Khibrad: Ugu yaraan khibrad 5 sano ah ee dhanka adeegyada injineernimada, maareynta bakhaarka, iyo maareynta alaabta.

Luuqadda: Ingiriis iyo Faransiis ayaa ah luuqadaha shaqada ee Xoghaynta Qarammada Midoobay. Booskan waxaa looga baahan yahay qof fasiix ku ah luuqadaha Ingiriiska iyo Af-Soomaaliga (hadal iyo qoraalba). Aqoonta luuqad kale ee ka mid ah luuqadaha Qaramada midoobay waa faa’iido dheerad ah.

Habka Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma boosaskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa qiimeyn muhiim ah kaas oo ay daba socon doonto wareysi ku saabsan kartida.

Sida loo gudbiyo codsiga:

Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose iyaga oo lambarka ogeysiiska shaqada bannaan iyo jegada shaqada ku qorayo qaybta mowduuca taariikhda kama dambeysta ah ama ka hor. Foomka P11 waxaad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee 02 May 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono. Kaliya dadka la soo dhejiyo ayaa lala soo xiriiri doonaa.

Email-ka: recruitment-unsoa@un.org

Fadlan ku lifaaq nuqulka Shahaaddada Dugsiga Sare, Baasaboor ama Teesaraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ayna qayb ka yihiin codsigaaga si loo qiimeeyo in aad u qalantid. Fadlan ogow in Shahaadooyinka CID-da iyo NISA loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta.

Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKASHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)