UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka banaan:  KAALIYAHA MADAXA DOORASHOOYINKA

0

UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA

(UNSOM)

MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN

 DIB LOO XAYEYSIINAYO

TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH:                      21 MAARSO 2018

TAARIIKHDA SOO SAARISTA:                                    20 APRIIL 2018

MAGACA JEGADA:                                                        KAALIYAHA MADAXA                                                                                                       DOORASHOOYINKA

HEERKA:                                                                          NO-B

QAYBTA:                                                                      XAFIISKA ISKU DHAFAN EE                                                                   TAAGEERRADA DOORASHOOYINKA (IESG)       GOOBTA:                                                                            MUQDISHO  

MUDDADA HESHIISKA:                                              HAL (01) SANO OO MUDDO GO’AN AH   LAMBARKA OGEYSIISKA SHAQADA BANNAAN:              UNSOM/IESG/017/2018

Warbixin Gaar ah

Booskan waxaa la maalgelinayaa muddo hal sano oo hordhac ah, waxaana suuraggal ah in muddo kordhin lagu sameeyo. Booskan waa mid maxalli ah. Qofka shaqada raadsanayo ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doona si uu ula wareego shaqadan. Dhammaan dadka soo codsanayaa waxaa si weyn loogu boorrinaya in ay codsigooda ku gudbiyaan habka internet-ka (online) sida ugu dhaqsiyaha badan iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee kor lagu xusay.

Dadka daneynaya in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda QM iyo Qandaraasleyda kale waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda QM si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

Qaabeynta Hay’adda iyo Xiriirrka Warbixinta:

Booskan waa boos ka bannaan Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) kana bannaan Muqdisho. Qofka booskan ku guuleysta waxaa uu hoos imaan doonaa Madaxa Arrimaha Doorashooyinka.

Waajibaadyada iyo Mas’uuliyadaha:

Kaaliyaha Sarkaalka Doorashooyinka waxaa uu mas’uul ka noqon doona waajibaadyada soo socda:

  • In uu bixiyo talo uuna gacan ka geysto karti-dhiska dhiggiisa guddiga doorashooyinka qaranka, oo ay ka mid yihiin in uu ka caawiyo aasaaska iyo maareynta xafiisyada deegaannada.
  • In uu dhaqangeliyo barnaamijyada arrimaha soo socda, sida loo baahdo: Tababarka Doorashada, Dhisidda Kartida, Wacyigelinta Cod-bixiyeyaasha, Xiriirka Dibadda, Sharciga Doorashooyinka, Hab-raacyada Doorashooyinka, Howlaha Doorashooyinka, Saadka Doorashooyinka, Amniga Doorashooyinka, Horumarinta Tiknoloojiyadda Doorashooyinka, iyo ama Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha.
  • Markii loo xilsaaro, in uu gacan ka geysto hagidda siyaasadeed, saadka iyo baahiyada kale ee ku aaddan doorashooyinka, wakhtiga ugu habboon.
  • In uu warbixinno xilliyeed oo ku aaddan horumarka dhinaca doorashooyinka iyo siyaasadda ee goobaha loo xilsaaray u gudbiyo Xarumaha dhexe, isaga oo si dhow ula shaqeynaya saraakiisha siyaasadda, arrimaha rayidka iyo xuquuqda aadanaha; in uu Sarkaalka Sare ee Doorashooyinka si joogta ah u diyaariyo warbixin ku aaddan horumarka waaweyn ee dhinaca doorashoyinka iyo arrimaha goobta, oo ay ka mid yihiin caqabadaha degdegga ah iyo kuwa muddada dheer.
  • In uu madaxda doorashooyinka qaranka ka caawiyo maareynta is-weydaarsiga macluumaadka ee Xarumahooda dhexe iyo xafiisyada deegaannada.
  • In uu goobta loo xilsaaray ka hirgeliyo howlaha doorashooyinka, sida ay u tilmaameen Xarumaha Dhexe, uuna si dhow ula shaqeeyo hay’adaha ay khuseyso ee guubta jooga.
  • In uu ka kala turjumo afka-Soomaaliga iyo Ingiriiska waxyaabo dhowr ah oo la xiriira doorashooyinka, oo ay ka mid yihiin dukumeentiyada sharciga ah, warbixinnada, iyo macluumaadka tababarka, sida loo baahdo;
  • In uu si sax ah oo hufan u bixiyo turjumaadda tooska ah iyo mid xilli dambe ah ee luuqadaha Af-Soomaaliga iyo Ingiriiska, markii lagu jiro shirarka iyo howlaha kale lala yeelanayoa
  • In uu si sax ah oo hufan si toos ah iyo xilli dambeba u turjumo af-Soomaali iyo Ingiriiska, sida loo baahdo, markii lagu jiro kulamo iyo howlo kale oo lala yeelanayo madaxda sare ee Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin Dowladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada, iyo sidoo kale Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
  • In uu qabto waajibaadyada kale sida loo baahdo.

Kartida

Xilkasnimada: In uu faham qoto dheer iyo waayo-aragnimo u leeyahay la shaqeynta madaxda qaranka, ururrada siyaasadda iyo ururrada bulshada rayidka ah, warbaahinta, uuna leeyahay xirfad wax ku ool ah ee dhinaca falanqeynta macluumaad kala duwan ee ka kala yimi ilo kala duwan, isla markana uu yaqaanno arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, caqabadaha iyo fursadahaba. In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; In uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo asaga u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka.

Xiriirka: In uu si wanaagsan oo fasiix ah u hadli karo waxna u qori karo; In uu dhagaysto dadka kale, in uu si sax u fasirto farriimaha dadka kale uuna si habboon uga jawaab celiyo; In uu su’aallo weydiiyo si uu u helo faham sax ah, iyo in uu muujiyo in uu daneynayo wada-hadal labo dhinac ah; In uu saxo luuqadda, codka, habka iyo qaabka uu u hadlayo, si waafaqsan dadka dhageysanayo; In uu muujiyo furfurnaan dhanka is dhaafsiga macluumaadka iyo in uu mar kasto wargeliyo dadka.

Wadashaqeyn: In uu si wadajir ah ula shaqeeyo saaxiibbadiisa si loo gaaro yoolka hay’adda; In uu afkaarta uruuriyo asaga oo si dhab ah u qiimeynayo fikradaha iyo khibradaha dadka kale; in uu yahay qof diyaar u ah in uu dadka kale wax ka barto; In uu danaha kooxda uu ka horumariyo danaha shakhsi; In uu taageero uuna ku dhaqmo si waafaqsan go’aanka kama dambeyska ah ee kooxda, xata haddii go’aannadaas aysan is waafaqsaneyn go’aankiisa; in uu amaanta guulaha la gaaray uu la qaybsado kooxda uuna aqbalo in uu qayb mas’uul ka yahay dhammaan gaabiisyada kooxda.

Aqoonta:

Waxbarashada:          Shahaado Sare ee Jaamacadeed (Master-ka iyo wixii u dhigma) ee Sayniska Bulshada, Sayniska Siyaasadda, Xiriirka Caalamiga ah, Sharciga, Cilimga Aadanaha (Anthropology), Dhaqaalaha, Tacliinta Xiriirka, iyo wixii la mid ah.  shahaaddada jaamacadda ee heerka koowaad oo ay wehliso khibrad wax ku ool ah ayaa la aqbali beddelka shahaaddada sare ee jaamacadda.

Khibrad:          Ugu yaraan labo (2) sano oo uu qofku waayo-aragnimo wax ku ool ah ka helay doorashooyinka ama wixii la xiriira; waayo-aragnimo ku aaddan maamulka doorashooyinka iyo nidaamyada ugu yaraan hal waddan waa mid habboon. Khibrad dhinaca doorashooyinka Qaramada Midoobay ee la xiriira goobaha ay ka socdaan howgallada nabad-ilaalinta iyo/ama hay’ad Qaramada Midoobay sidoo kale way habboon tahay.

Luuqadda:      Ingiriis iyo Faransiis ayaa ah luuqadaha shaqada ee Qarammada Midoobay.  Booskan waxaa loo baahan yahay qof fasIIx ku ah luuqadaha Ingiriiska iyo Af-Soomaaliga (hadal iyo qoraalba). Aqoonta luuqad kale ee Qaramada Midoobay waxaa ay sare u qaadeysaa fursaddaada.

Xirfadaha kale: Khibrad dhinaca turjumidda aad ayay u wanaagsan tahay.

Qiimeynta:     Qiimaynta dadka u qalma boosaskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi la xiriira kartida.

Macluumaad Dheeraad ah:

Dadka codsiga soo gudbiyay oo aan la soo qaadan balse xilliga uu socday imtixaanka ku soo baxay in ay u qalmaan shaqo la mid ah waxaa lagu hayn karaa diiwaanka muddo toddoba sano. Dadka diiwaanka la geliyay tixgelin ayaa la siin doonaa markii ay mustaqbalka soo baxaan isla shaqadan iyo heerkan shaqo.

Sida loo gudbiyo codsiga:

Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose markii la joogo ama ka hor taariikhda kama dambeysta ah. P11 waxaa aad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee ah 20 Abriil 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono.

Email-ka: recruitment-unsoa@un.org

Fadlan Lambarka Ogeysiiska Shaqada Bannaan iyo Jegada Shaqada ka dhig mowduuca email-ka.

Fadlan ku lifaaq nuqulka P11, Shahaadooyinka Waxbarashada,  Baasaboor ama Teesaraha Aqoonsiga. Kuwani waxaa ay qayb ka yihiin arjigaaga, si loo ogaado in aad u qalantid. Fadlan ogow in Shahaadooyinka Waaxda Dembi Baarista (CID-da) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda (NISA)loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta.

Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKASHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)