UNITED NATIONS SUPPORT OFFICE IN SOMALIA (UNSOS) launches Job for: RECEIVING & INSPECTION ASSISTANT – MOGADISHU

0

UNITED NATIONS SUPPORT OFFICE FOR SOMALIA

(UNSOS)

MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN

TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH:                                 20 FEBRAAYO 2018

TAARIIKHDA SOO SAARISTA:                                             21 JANAAYO 2018           

MAGACA JEGADA:                                                                 KAALIYAHA QAABILAHA                                                                                                  IYO BAARITAANKA

HEERKA:                                                                                 GL-5

QAYBTA:                                                                          BAKHAARKA ISKU DHAFAN

                                                                             IYO FIDINTA ADEEGYADA (IW & DS)

GOOBTA:                                                                         MUQDISHO

MUDDADA HESHIISKA:                                   HAL (01) SANO OO MUDDO GO’AN AH

LAMBARKA OGEYSIISKA SHAQADA BANNAAN:                 UNSOS/RIA/009/2018

Warbixin Gaar ah

Booskan dhaqaalaha ku baxayo waxaa loogu talagalay hal sano oo kaliya, kordhinta muddada booskan waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Magacaabista booskan waa mid maxalli ah. Qofka shaqada raadsanayo ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doona si uu ula wareego booskan. Dhammaan dadka soo codsanayaa waxaa si weyn loogu boorrinaya in ay codsigooda ku gudbiyaan habka internet-ka sida ugu dhaqsiyaha badan kaddib markii shaqadan la soo xayeysiyo iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee lagu gudbin karo codsiga.

Dadka jecel in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

Qaabeynta hay’adda iyo Xiriirrka Warbixinta:

Booskan ayaa ah boos ka bannaan Muqdisho, Soomaaliya. Iyada oo si guud ah la hoos imaan doono Mas’uulka Sare, Bakhaarka isku Dhafan iyo Fidinta Adeegyada (IW&DS), qofka booskan ku guuleysta waxaa uu si toos ah u hoos imaan doona Madaxa Qaybta Qaabilka iyo Baaritaanka.

Waajibaadyada iyo Mas’uuliyaddaha:

Kaaliyaha Maareynta Hantida waxaa uu mas’uul ka noqon doona waajibaadyada soo socda;

  • In uu sameeyo baaritaan iyo xakamaynta tayada Hantida Qaramada Midoobay si uu u hubiyo in dhammaan agabka ay kuwo meel lagu og yahay ayna ku sugan yihiin xaalad la isticmaali karo.
  • In uu diyaariyo uuna gudbiyo warbixinada la xiriira Alaabta la helay iyo Baaritaanada (R&I), warbixinada is waafaqsanaan la’aanta iyo warbixinada alaabta la iska tuuray si uu u meel ansixiyo madaxa laanta.
  • In u ogaado khaladaadka/kala duwanaanshaha iyo sidoo kale macluumaadka la xiriira ama sabab kale oo keeni karto in la diido iyo diiwaanada Warbixinada Is Waafaqsanaan la’aanta alaabta Wax gaartay (DDR) ee la geliyaynidaamka islamarkaasina loo bandhigay kormeeraha R&I iyo Iibsiga si loo qaado tallaabo degdeg ah.
  • In uu dib u eegis ku sameeyo warbixinnada Rasiidyada Alaabta ee la geliyay UMOJA iyo Warbixinnada R&I ee ku jira nidaamka maareynta diiwaannada elektroonigga.
  • In uu joogteeyo in uu maalin waliba diiwanno sax ah oo la xisaabin karo geliyo nidaamka maareeynta diiwannada elektroonigga si loo sameeyo xakameynta hantida iyo isla xisaabtan iyada oo loo hoggaansamayo tilmaameyaasha maamulka, xeerarka, buugagta tilmaam bixinta iyo SOPs.
  • In uu joogteeyo dhammaan diwaannada xaqiijinta iyo in uu xogta geliyo nidaamka maareynta diiwaannada elektroonigga.
  • In uu daneeyayaasha ka caawiyo codsiga siyaasadaha la xiriira maareynta hantida iyo hab-raacyada loo baahan yahay si loo gaaro heerarka iyo hadafyada hay’adda ee lagu dejiyay xiriira amarrada DFS, xeerarka LSD iyo SOPs hawlgalka.
  • In uu soo saaro warbixinnada Howlaha bil waliba iyo markii uu kormeeraah codsado.
  • In u gacan ka geeysto qorista waxyaabaha loo baahan yahay si loo sameeyo qandaraasyo iyo adeegyada la xiriira tuurista.
  • In uu gacan ka geeysto kormeerka in la fuliyay heshiiska la xiriira tuurista hantida iyo alaabta, oo ay ku jiraan dhammaan noocyada kala duwan ee qashinka.
  • In uu gacan ka geeysto diyaarinta dhimista qiimaha qalabka iyo diyaarinta kiisaska qiime dhimista iyada oo loo marayo guddiyada ay khuseyso sahanka hantida.
  • In uu la shaqeeyo daneyayaasha kale ee maareynta hantida iyo adeeg bixiyeyaasha, gaar ahaanna Xarunta Hawlaha Wadajirka ah ee Saadka iyo Guddiyada heer Deegaan ee Maaraynta Hantida si habboon.
  • In uu gacan ka geysto howlaha Guddiga Sahanka sida iyo iyo marka loo baahdo.
  • In uu diyaariyo falanqeynta tirakoobka iyo falanqeynta xaaladaha ku saabsan Hantida Qaramada Midoobay.
  • In uu qabto waajibaadyada kale ee loo baahdo.

Kartida:

Xilkasnimo: Xirfad: Aqoon dhanka hawlaha saadka iyo caadooyinka. in uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; in uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka.

Qorshaynta iyo Qaabeynta: In uu diyaariyo yoolal cad kuwaas oo waafaqsan xeeladaha la isku afgartay; in uu garto howlaha iyo shaqooyinka mudnaanta la siinayo; in uu wax ka beddelo howlaha mudnaanta la siiyay sida loo baahdo; in uu wakhti iyo hanti ku habboon ku bixiyo dhammeystirka shaqada; in uu saadaalin karo halista uuna u diyaargaroobo xaaladaha degdegga ah markii uu sameynayo qorshaha; In uu la socdo uuna wax ka beddelo qorshaha iyo howlaha sida loo baahan yahay; in uu wakhtiga u adeegsado si hufan.

Wadashaqeyn: In uu si wadajir ah ula shaqeeyo saaxiibbadiisa si loo gaaro yoolka hay’adda; In uu afkaarta uruuriyo asaga oo si dhab ah u qiimeynayo fikradaha iyo khibradaha dadka kale; in uu yahay qof diyaar u ah in uu dadka kale wax ka barto; In uu danaha kooxda uu ka horumariyo danaha shakhsi; In uu taageero uuna ku dhaqmo si waafaqsan go’aanka kama dambeyska ah ee kooxda, xata haddii go’aannadaas aysan is waafaqsaneyn go’aankiisa; in uu amaanta guulaha la gaaray uu la qaybsado kooxda uuna aqbalo in uu qayb mas’uul ka yahay dhammaan gaabiisyada kooxda.

Aqoonta

Waxbarasho:     Shahaado dugsi sare ah ama wax u dhigma ayaa loo baahan yahay.

Khibrad:               Ugu yaraan muddo shan (5) sano oo uu qofku waayo aragnimo macquul ah ka helay xakameynta diiwaannada, maareynta hantida, saadka, iibsiga, ama wax la xiriira.

Luuqadda:           Ingiriis iyo Faransiis ayaa ah luuqadaha shaqada ee xafiiska Xoghaynta ee Qarammada Midoobay.  Booskan waxaa loo baahan yahay qof fasIIx ku ah luuqadaha Ingiriiska iyo Af-Soomaaliga (hadal iyo qoraalba).  Aqoonta luuqad kale ee ka mid ah luuqadaha Qaramada midoobay waa faa’iido dheerad ah.

Habka Qiimeynta

Qiimaynta dadka u qalma boosaskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi ku saabsan kartida.

Sida loo gudbiyo codsiga

Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose iyaga oo lambarka ogeysiiska shaqada bannaan iyo jegada shaqada ku qorayo qaybta mowduuca taariikhda kama dambeysta ah ama ka hor. Foomka P11 waxaad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee 20 Febraayo 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono. Kaliya dadka la soo dhejiyo ayaa lala soo xiriiri doonaa.

Email-ka: recruitment-unsoa@un.org

Fadlan ku lifaaq nuqulka shahaaddada dugsiga sare,  Baasaboor ama Teesraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ayna qayb ka yihiin codsigaaga si loo qiimeeyo in aad u qalantid. Fadlan ogow in Shahaadooyinka CID-da iyo NISA loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta.

Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKASHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)