UNITED NATIONS SUPPORT OFFICE IN SOMALIA (UNSOS) waxay soo bandhigeysaa Shaqo banaan- BELETWEYNE

0

UNITED NATIONS SUPPORT OFFICE IN SOMALIA

(UNSOS)

MABAADII’DAQARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN

 

TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH      :               27 JANAAYO 2018

TAARIIKHDA SOO SAARISTA                 :               14 JANAAYO 2018

MAGACA JEGADA                                     :               KAALIYAHA DHINACA SAADKA

HEERKA                                                    :               GL-4

QAYBTA                                                    :               LAANTA CILLAD BIXINTA

                                                                         BAABUURTA IYO QALABKA(VPEMS)

GOOBTA                                                   :               BELETWEYNE

MUDDADA HESHIISKA       :               ONE (01) YEAR FIXED-TERM APPOINTMENT

LAMBARKA OGEYSIISKA SHAQADA BANNAAN     :  UNSOS/VPEMS/004/2018

Warbixin Gaar ah

Dhammaan arjiyada ee aan lagu soo gudbin afka Ingiriiska lama tixgelin doono.

Booskan dhaqaalaha ku baxayo waxaa loogu talagalay hal sano oo kaliya, kordhinta muddada booskan waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Magacaabista booskan waa mid maxalli ah. Qofka shaqada raadsanayo ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doona si uu ula wareego booskan. Dhammaan dadka soo codsanayaa waxaa si weyn loogu boorrinaya in ay codsigooda ku gudbiyaan habka internet-ka sida ugu dhaqsiyaha badan kaddib markii shaqadan la soo xayeysiyo iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee lagu gudbin karo codsiga.

Dadka jecel in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

Qaabeynta hay’adda iyo Xiriirrka Warbixinta:

Booskan ayaa ah boos ka banaan qaybta Laanta Baabuurta iyo Dayactirka Qalabka (VPEMS) ee magaalada Beledweyne. Kaaliyaha dhanka saadka waxaa u hoostaga Kormeeraha Laanta Hagaajinta Baabuurta.

Mas’uuliyadaha

Kaaliyaha Saadka waxaa uu mas’uul ka noqon doonaa waajibaadyada soo socda:

  • In uu diyaariyo Xaashida Gelinta Adeegga iyo howlaha kale ee ka mid ah UMOJA, waxaa uuna soo qaadaya shahaadooyinka dhaqaalaha.
  • In uu la kaashado qaybaha/waaxyada ee ay khuseyso (tusaale, waaxda iibsiga, xisaabinta) dhinaca xaqiijinta iyo diyaarinta qaan-sheeg markii shaqada la dhammeeyo.
  • In uu xiriir joogta ah la sameeyo shaqaalaha howlgalka kaas oo ku aaddan bixinta, isku duwidda, la socodka iyo xaaladda adeegyada gaadiidka.
  • In uu diyaariyo dalabka uuna xareeyo xogta habboon ee nidaamka si loo sameeyo dalabka.
  • In uu sameeyo dabbagal joogta ah uuna si joogta ah u bixiyo macluumaad ku saabsan howlaha saadka iyo qorshaynta iyo sidoo kale xaaladda dalabka.
  • In uu ka caawiyo shaqaalaha ka howlgala Qaybta iyada oo loo hoggaansan yahay hab-raacyada iyo dhaqannada habboon.
  • In uu la socdo caymiska gaadiidka Qaramada Midoobay.
  • In uu gacan ka geysto isku duwidda hagaajinta iyo dayactirka gaadiidka Qaramada Midoobay si waafaqsan siyaasadaha howlgalka ee ku aaddan dayactirka iyo hagaajinta.
  • In uu Nidaamka Electroonigga ah ee la Socodka Baabuurta (EVMS) uu geliyo uuna ku cusbooneysiyo macluumaadka, iyo sidoo kale in uu gacan ka geysto diyaarinta warbixinnada xaaladda ee habboon.
  • In uu sameeyo baaritaanka baabuurta uuna ogaado sababaha keenay cillado farsamo ah, in uu la kaashado shaqaalaha dayactirka baabuurta si xal loogu helo dhibaatada ka hor inta aan dalab la sameyn.
  • In uu nidaamka elekroonigga ah ka diyaariyo howlaha shaqo, uuna howlaha dayactirka iyo hagaajinta u diro dadka bixiya adeegyada.
  • In uu hubiyo xakamaynta/xaqiijinta tayada baabuurta kaddib markii la dhammeystiro shaqada asaga oo ku sameynayo baaritaan iyo tijaabis.
  • In uu isku duwo qaabilista baabuurta iyo dib u celinta baabuurta cilladeysan.
  • In uu isku duwo howlaha dib u soo celinta baabuurta haddii ay ku timaaddo cillad ama ay socon kari waayaan.
  • In uu qabto waajibaadyada kale ee loo baahdo.

Kartida

Xilkasnimo: In uu shakhsiga awood u leeyahay in uu macaamiisha u falanqeeyo xeeladaha taageerrada ku aaddan baabuurta; in uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon xeel-dheer u leeyahay shaqada; uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; in uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka.

Qorsheynta iyo Qaabeynta: In uu diyaariyo yoolal cad kuwaas oo waafaqsan xeeladaha la isku afgartay; in uu garto howlaha iyo shaqooyinka mudnaanta la siinayo; in uu wax ka beddelo howlaha mudnaanta la siiyay sida loo baahdo; in uu wakhti iyo hanta ku habboon ku bixiyo dhammeystirka shaqada; in uu saadaalin karo halista uuna u diyaargaroobo xaaladaha degdegga ah markii uu sameynayo qorshaha; In uu la socdo uuna wax ka beddelo qorshaha iyo howlaha sida loo baahan yahay; in uu wakhtiga u adeegsado si hufan.

Wadashaqeyn – In uu si wadajir ah ula shaqeeyo saaxiibbadiisa si loo gaaro yoolka hay’adda; In uu afkaarta uruuriyo asaga oo si dhab ah u qiimeynayo fikradaha iyo khibradaha dadka kale; in uu yahay qof diyaar u ah in uu dadka kale wax ka barto; In uu danaha kooxda uu ka horumariyo danaha shakhsi; In uu taageero uuna ku dhaqmo si waafaqsan go’aanka kama dambeyska ah ee kooxda, xata haddii go’aannadaas aysan is waafaqsaneyn go’aankiisa; in uu amaanta guulaha la gaaray uu la qaybsado kooxda uuna aqbalo in uu qayb mas’uul ka yahay dhammaan gaabiisyada kooxda.

Aqoonta

Waxbarashada: Shahaado dugsi sare ah ama wax u dhigma.

Khibrad: Ugu yaraan muddo (3) sano oo xiriir ah oo u qofka ka shaqeynaayay hawlaha saadka ama wax la xiriira.

Luuqadda: Ingiriis iyo Faransiis ayaa ah luuqadaha shaqada ee xafiiska Xoghaynta ee Qarammada Midoobay. Booskan waxaa loo baahan yahay qof fasIIx ku ah luuqadaha Ingiriiska iyo Af-Soomaaliga (hadal iyo qoraalba). Aqoonta luuqad kale ee ka mid ah luuqadaha Qaramada midoobay waa faa’iido dheerad ah.

Kuwo kale: Xirfad fiican oo dhanka kombiyuutarka ah, oo ay ku jiran aqoonta word, adeegsiga excel iyo kuwa kale ee habboon. Khibrad ugu yaraan seddax (3) sano ah ee ku aaddan wadista gawaarida ayaa loogu baahan yahay booskan. Shahaadada anshaxa ee sax ah ayaa loo sidoo kale loo baahan yahay.

Habka Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma boosaskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa qiimeyn muhiim ah taas oo ay daba socon doonto warreysi ku saabsan kartida.

How to Apply: Sida loo gudbiyo codsiga

Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose iyaga oo lambarka ogeysiiska shaqada bannaan iyo jegada shaqada ku qorayo qaybta mowduuca ka taariikhda kama dambeysta ah ama ka hor. Foomka P11 waxaad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kadib waqtiga kama dambeysta ah ee 27-ka Janaayo 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono. Kaliya dadka la soo dhejiyo ayaa lala soo xiriiri doonaa.

Email-ka: recruitment-unsoa@un.org

Fadlan ku lifaaq nuqulka shahaaddada dugsiga sare, Baasaboor ama Teesraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ayna qayb ka yihiin codsigaaga si loo qiimeeyo in aad u qalantid. Fadlan ogow in Shahaadooyinka CID-da iyo NISA loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta.

Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xuseyso sinnaan jinsi.

QARAMMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKA SHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA IYO TABABARKA)