UNITED NATIONS SUPPORT OFFICE IN SOMALIA (UNSOS) Waxay soo bandhigeysaa shaqo ka banaan: LA TALIYAHA SHAQAALAHA – MOGADISHU

0

UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA

(UNSOS)

MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN

TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH : 03 FEBRAAYO 2018

TAARIIKHDA SOO SAARISTA : 28 JANAAYO 2018

MAGACA JEGADA : LA TALIYAHA SHAQAALAHA

HEERKA : NO-A

QAYBTA : XAFIISKA AGAASIMAHA

GOOBTA : MUQDISHO

MUDDADA HESHIISKA : SHAQO MUDDO GAABAN

LAMBARKA OGEYSIISKA SHAQADA BANNAAN : UNSOS/OD/012/2018

Warbixin Gaar ah

Booskan waa mid ku meel gaar ah, kordhinta muddada booska waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Booskan waa mid maxalli ah. Qofka shaqada raadsanayo ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doona si uu ula wareego shaqadan. Dhammaan dadka soo codsanayaa waxaa si weyn loogu boorrinaya in ay codsigooda ku gudbiyaan habka internet-ka sida ugu dhaqsiyaha badan kaddib markii shaqadan la soo xayeysiyo iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee lagu gudbin karo codsiga.

Dadka jecel in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda UN iyo Qandaraasleyda Kale waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

Qaabeynta hay’adda iyo Xiriirrka Warbixinta:

Booskan ayaa ah boos ka bannaan Muqdisho, Soomaaliya. Qofka booskan ku guuleysta waxaa uu hoos imaan doona Madaxa Qaybta La Talinta Shaqaalaha.

Waajibaadyada iyo Mas’uuliyadaha:

La Taliyaha Shaqaalaha waxaa uu mas’uul ka noqon doona waajibaadyada soo socda;

  • In uu La Taliyeyaasha Shaqaalaha UNSOS iyo Saraakiisha kale ee Shaqaalaha siiyo talo, marka loo baahdo, taladaas oo ku aaddan kiisas shakhsiyan ah markii dhibaato la ogaaday ay saameeyn ku yeelan karto xirfadda, farsamada iyo/ama la talinta (tusaale ahaan, dhibaatooyinka la xiriira shaqada/shaqooyinka oo laga yaabo in ay horseedaan dhibaato saameyn ku yeelata maskaxda, xal u helidda khilaafyada, iyo daaweynta ku xiran baahida, iwm.).
  • In uu bixiyo taageerro ku aaddan cadaadiska ka timaadday dhacdo daran (tusaale ahaan, haddii ay tahay shakhsi iyo/ama koox) mar kaste iyo meel kaste ee looga baahdo.
  • In uu isaga oo la kaashanayo Adeegyada Caafimaadka, xaqiijiyo in adeegyo kala duwan (sii gudbinta, taageerro muddo gaaban) la siiyo shakshiyaadka xubnaha ka ah shaqaalaha kuwaas oo qaba cudurka HIV/AIDS ama xubnaha shaqaalaha ee qaba cudurrada ama xanuunnada kale ee daran.
  • In uu xiriir la sameeyo Guddiga Daryeelka Shaqaalaha iyo dadka ka shaqeeya Adeeygada Caafimaadka si loo diyaariyo barnaamijyo looga gol leeyahay in sare loogu qaado tayada nolosha shaqaalaha ka shaqeeya goobta howlgalka.
  • In uu bixiyo tababar ku saabsan “maareeynta dhibaatooyinka iyo cadaadiska” iyo “xallinta khilaafaadka” sida loo baahdo.
  • In uu la socdo arrimaha la xiriiro deegaanka ee keeni karo cadaadiska, iyada oo si gaar ah diiradda saarayo cadaadiska ay horseedaan dhacdooyinka halista ah, oo ay ka mid yihiin xaaladaha degdegga ah iyo dhibaatooyinka, marka loo eego shaqaalaha rayidka ah ee qaybta ka ah howlgalka.
  • In uu shaqaalahaas oo kale u qabanqaabiyo uuna hirgeliyo barnaamijka maareeynta cadaadiska.
  • In uu qabto waajibaadyada kale ee loo baahdo.

Kartiyada:

Xilkasnimada: in uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; Uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; Halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; In uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka.

Xiriirka: In uu si wanaagsan oo fasiix ah u hadli karo waxna u qori karo; In uu dhageaysto dadka kale, in uu si sax u fasiro farriimaha dadka kale uuna si habboon uga jawaab celiyo; In uu su’aallo weydii sii uu u helo faham sax ah, iyo in uu muujiyo in uu daneynayo wada-hadal labo dhinac ah; In uu saxo luuqadda, codka, habka iyo qaabka uu u hadlayo, si waafaqsan dadka dhageysanayo; In uu muujiyo furfurnaan dhanka is dhaafsiga macluumaadka iyo in uu mar kasto wargeliyo dadka.

Wadashaqeyn: In uu si wadajir ah ula shaqeeyo saaxiibbadiisa si loo gaaro yoolka hay’adda; In uu afkaarta uruuriyo asaga oo si dhab ah u qiimeynayo fikradaha iyo khibradaha dadka kale; in uu yahay qof diyaar u ah in uu dadka kale wax ka barto; In uu danaha kooxda uu ka horumariyo danaha shakhsi; In uu taageero uuna ku dhaqmo si waafaqsan go’aanka kama dambeyska ah ee kooxda, xata haddii go’aannadaas aysan is waafaqsaneyn go’aankiisa; in uu amaanta guulaha la gaaray uu la qaybsado kooxda uuna aqbalo in uu qayb mas’uul ka yahay dhammaan gaabiisyada kooxda.

Waxbarashada: Heerka koowaad ee shahaaddada jaamacada ee Caafimaadka Cilmi-nafsiga (Clinical Psychology), Caafimaadka Dhimirka (Psychiatry) ama Caafimaadka Bulshada. Waxaa sidoo kale muhiim ah in uu qofka haysto tababar kale ama shahaado ku aaddan maaddooyin la xiriira, sida isticmaalka maandooriyeyaasha iyo khamriga, maareynta cadaadiska, cadaadiska ka dhasha qarracanka, la xiriirka qowmiyadaha kala duwan ama xallinta khilaafaadka.

Khibradda Shaqo: Ugu yaraan muddo labo sano (2) oo uu qofku waayo aragnimo macquul ah ka helay la talinta ayaa loo baahan yahay. Khibrad dhinaca Barnaamijyada Caawinta Shaqaalaha ama Kaalmeynta Hay’adda waxaa ay sare u qaadeysaa fursadda qofka.

Luuqadda: Ingiriis iyo Faransiis ayaa ah luuqadaha shaqada ee xafiiska Xoghaynta ee Qarammada Midoobay. Booskan waxaa loo baahan yahay qof fasIIx ku ah luuqadaha Ingiriiska iyo Af-Soomaaliga (hadal iyo qoraalba). Aqoonta luuqad kale ee ka mid ah luuqadaha Qaramada midoobay waa faa’iido dheerad ah.

Habka Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma boosaskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa layli qiimeyn ah kaas oo ay daba socon doonto warreysi ku saabsan kartida

Sida loo gudbiyo codsiga:

Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose iyaga oo lambarka ogeysiiska shaqada bannaan iyo jegada shaqada ku qorayo qaybta mowduuca taariikhda kama dambeysta ah ama ka hor. Foomka P11 waxaad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee Febraayo 3, 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CV) lama aqbali doono. Kaliya dadka la soo dhejiyo ayaa lala soo xiriiri doonaa.

Email: recruitment-unsoa@un.org

Fadlan ku lifaaq nuqulka foomka P11, Shahaaddada Jaamacadda, Baasaboor ama Teesaraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ayna qayb ka yihiin codsigaaga si loo qiimeeyo in aad u qalantid. Fadlan ogow in Shahaadooyinka CID-da iyo NISA loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta.

Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKA SHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)