UNITED NATIONS SUPPORT OFFICE IN SOMALIA (UNSOS) waxay soo bandhigeysaa shaqo ka banaan: SHAQAALAHA MIISAANIYADDA & MAS’UULKA MIISAANIYADDA

0

UNITED NATIONS SUPPORT OFFICE FOR SOMALIA

(UNSOS)

MABAADII’DA QARAMADA MIDOOBAY: DAACADNIMO, XILKASNIMO, IXTIRAAMKA KALA DUWANANSHAHA DADKA

BOOSKAN WAXAA UU U FURAN YAHAY OO KELIYA DADKA U DHASHAY SOOMAALIYA MANA LAHAN FAA’IIDOOYINKA LA MID AH KUWA CAALAMIGA AH

HAWEENKA SI GAAR AH AYAA LOOGU BOORRINAYAA IN AY CODSADAAN

 

TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH:                  22 FEBRAAYO 2018

TAARIIKHDA SOO SAARISTA:                              24 JANAAYO 2018

MAGACA JEGADA:                                                   SHAQAALAHA MIISAANIYADDA &                                                                                   MAS’UULKA MIISAANIYADDA

HEERKA:                                                                  NO-B

QAYBTA:                                                                    MAALIYADDA                                                                            

GOOBTA:                                                                    MUQDISHO

MUDDADA HESHIISKA:                                           HAL (01) SANO OO MUDDO GO’AN AH  

LAMBARKA OGEYSIISKA SHAQADA BANNAAN:         UNSOS/FIN/011/2018

Warbixin Gaar ah

Booskan dhaqaalaha ku baxayo waxaa loogu talagalay hal sano oo kaliya, kordhinta muddada booskan waxaa ay ku xirnaan doontaa sida loo ansixiyo miisaaniyadda. Magacaabista booskan waa mid maxalli ah. Qofka shaqada raadsanayo ayaa mas’uul ka ah dhammaan kharashka ka bixi doona si uu ula wareego booskan. Dhammaan dadka soo codsanayaa waxaa si weyn loogu boorrinaya in ay codsigooda ku gudbiyaan habka internet-ka sida ugu dhaqsiyaha badan kaddib markii shaqadan la soo xayeysiyo iyo ka hor inta aan la gaarin taariikhda kama dambeysta ah ee lagu gudbin karo codsiga.

Dadka jecel in ay codsadaan shaqadan kuwaas oo haatan la shaqeeyo qandaraasleyda UN waa in ay fuliyaan waajibaadyada heshiiska ay la galeen qandaraasleyda UN si ay u noqdaan dad u qalma in ay codsadaan booskan bannaan.

Qaabeynta hay’adda iyo Xiriirka Warbixinta:

Booskan ayaa ah boos ka bannaan Muqdisho, Soomaaliya. Qofka booskan ku guuleysta waxaa uu hoos imaan doona Mas’uulka Sare ee Miisaaniyadda iyo Maaliyadda.

Mas’uuliyadaha;

Mas’uulka Maaliyadda waxaa uu mas’uul ka noqon doona waajibaadyada soo socda;

  • In uu gacan ka geysto diyaarinta qiyaasta kharashka iyo soo jeedimaha miisaaniyadda asaga oo u eegayo baahiyada hantiyeed ee hay’adda sida shaqaalaha iyo wixii aan shaqaalaha ahayn, oo ya ka mid yihiin howlaha barnaamijyada, dib u eegis, falanqeyn, dib u daalicidda xogta si loo dhammeystiro soo jeedimaha miisaaniyadda iyo Miisaaniyadda ku saleysan Natiijooyinka.
  • In uu gacan ka geysto taageeridda maamuleyaasha barnaamijka/xarunta maalgelinta (Kuwa madaxa bannaan iyo Qaybaha taageerrada) dhinaca caddeynta baahiyada hantida si loo gudbiyo miisaaniyadda.
  • In uu taageerro maamulka iyo la socodka hantida ka baxsan miisaaniyadda, oo ay ka mid yihiin dib u eegista heshiisyada iyo qorshaha kharashaadka, asaga oo xaqiijinayo in ay u hoggaansan yihiin qaanuunka iyo xeerarka iyo sidoo kale siyaasadaha iyo habraacyada degan.
  • In uu diyaariyo dib u qoondeynta dhaqaalaha hay’adda si waafaqsan habraacyada jira.
  • In uu gacan ka geysto dib u eegista lagu xaqiijinayo in si hufan oo wax ku ool ah loo adeegsado dhaqaalaha miisaaniyadda ku jira iyada oo uu u marayo la socodka isticmaalka miisaaniyadda la ansixiyay iyo in uu xilli wanaagsan macluumaad siiyo maamulka hay’adda si loo gaaro go’aan; in uu taageerro iyo la talin ku saabsan hirgelinta miisaaniyadda iyo tallaabooyinka wax lagu saxayo uu siiyo maamuleyaasha xarunta maalgelinta/barnaamijka haddii loo baahdo.
  • In uu gacan ka geysto diyaarinta warbixin ku aaddan wax-qabadka miisaaniyadda hay’adda uuna xaqiijiyo in xog iyo macluumaad sax ah oo run ah ay bixiyaan maamuleyaasha barnaamijka /xarunta dhaqaalaha si waafaqsan habraacyada Kormeeraha. In uu dib u eego uuna dhammeystiro warbixinnada wax-qabadka asaga oo hubinayo in kala duwanaanshaha miisaaniyadda la ansixiyay iyo kharashaadka dhabta ah laga bixiyay faahfaahin sax ah oo ku filan.
  • In uu falanqeeyo xisaabaadka isku dhafan/aan caadi ahayn uuna furo alaabta ku jiro nidaamka xisaabinta uuna hirgeliyo tallaabooyinka lagu saxayo.
  • In uu dib u eego uuna is waafajiyo akoonnada xisaab-xidhka, uuna baaro waxyaabaha si khaldan loo geliyay ama baadil ah uuna qaado tallaabooyin habboon ee lagu saxayo xisaabinta.
  • In uu diyaariyo qaan-sheegashada soo galayo iyo kuwa ka imaanaya hay’ado, maalgelin iyo barnaamijyada.
  • In uu taagerro maamuleyaasha xarumaha maalgelinta dhinaca dib u eegista ballanqaadyada miisaaniyadda dhammaadka sanadka si waafaqsan shuruudaha yaalla.
  • In uu dib u eegis ku sameeyo uuna xaqiijiyo in la bixiyay dukumeentiyada caddeymaha ee saxda ah si loo diyaariyo lacagaha alaabta iyo adeegyada.
  • In uu bixiyo talo, fasiraadda maaliyaadeed, tallaabooyinka la qabsiga iyo wax sixidda asaga oo ka jawaabayo xisaab hubinta iyo su’aalaha kale si loo xaqiijiyo in ay u hoggaansan yihiin Qawaaniinta iyo Xeerarka Qaramada Midoobay ee dhinaca Dhaqaalaha, Xeerarka Shaqaalaha, Hab-raacyada Maamulka, Bayaannada iyo Waraaqaha hoos imaanaya maareynta/hagista Mas’uulka Sare ee Maaliyadda iyo Miisaaniyadda.
  • In uu qabto howlaha kale ee loo dirsado.

Kartida

Xilkasnimo: In uu ku faano shaqadiisa iyo guulaha; in uu muujiyo xilkasnimo iyo in uu aqoon buuxda u leeyahay shaqada; uu yahay qof feejigan oo ku wanaagsan ka soo bixidda ballanqaadyada, in uu dhowro muddada kama dambeysta ah uuna ku guuleysto natiijooyinka; halkii uu dhiiriggelin ka heli lahaa arrimo shaksiyeed oo u khaas ah in uu dhiiriggelin ka helo arrimo ku saabsan shaqo; in uu dhabar-adeyg muujiyo markii uu la kulmo dhibaatooyin ama caqabado; in uu noqdo qof deggan markii ay asiibto xaalado walaac ku abuura; in uu isa saaro mas’uuliyad in uu tixgeliyo arrimaha jinsiga uuna xaqiijiyo sinnaanta dhinaca ka qayb-galinta dumarka iyo ragga ee dhammaan shaqooyinka.

Isla-xisaabtan: In uu dhabarka saarto dhammaan mas’uuliyadaha uuna ka soo baxo ballanqaadyada; In uu ka soo baxo howlaha uu qofka mas’uul ka yahay xilliga loogu talagalay iyo kharashka iyo heerarka tayada ee loo baahan yahay; In uu howshiisa ku qabto si waafaqsan qawaaniinta iyo xeerarka hay’adda; In uu shaqaalaha ka hooseeya taageerro, in uu kormeero uuna qaado mas’uuliyadda howlaha loo igmaday; In uu qaato mas’uuliyadda waxyaabaha uu asaga iyo qaybtiisa ka gaabiyeen, meesha munaasabka ah.

Wadashaqeyn: In uu si wadajir ah ula shaqeeyo shaqaalaha kale si loo gaaro yoolka hay’adda; In uu afkaarta uruuriyo asaga oo si dhab ah u qiimeynayo fikradaha iyo khibradaha dadka kale; in uu yahay qof diyaar u ah in uu dadka kale wax ka barto; In uu danaha kooxda uu ka horumariyo danaha shakhsi; In uu taageero uuna ku dhaqmo si waafaqsan go’aanka kama dambeyska ah ee kooxda, xata haddii go’aannadaas aysan is waafaqsaneyn go’aankiisa; in uu amaanta guulaha la gaaray uu la qaybsado kooxda uuna aqbalo in uu qayb mas’uul ka yahay dhammaan gaabiisyada kooxda.

Aqoonta:

Waxbarashada:          Shahaado sare ee jaamacadda (Master ama wax u dhigma) ee fanka maamulka ganacsiga, maaliyadda, ama wax la xiriira. Shahaado jaamacadeed ee heerka koowaad iyo labo sano oo khibrad ah waa la aqbali karaa haddii la waayo shahaado sare ee jaamacadda.

Khibradda:         Ugu yaraan labo (02) sano oo xiriir ah oo uu qofka khibrad wax ku ool ah ka helay maareynta miisaaniyadda iyo dhaqaalaha ayaa loo baahan yahay. In uu ka soo shaqeeyay nidaamka howlgalka goobta ee Qaramada Midoobay (oo ay ka mid yihiin nabad-ilaalin, howlaha siyaasadeed iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, maalgelin, iyo barnaamijyada) – ama hay’ad caalamiga ah ee la mid ah ama hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka shaqeeya goobaha ay ka socdaan colaad ama ka soo kabsanaya colaad ayaa faa’iido dheeraad ah.

Luuqadda:         Ingiriis iyo Faransiis ayaa ah luuqadaha shaqada ee xafiiska Xoghaynta ee Qarammada Midoobay.  Booskan waxaa loo baahan yahay qof fasiix ku ah luuqadaha Ingiriiska iyo Af-Soomaaliga (hadal iyo qoraalba).  Aqoonta luuqad kale ee ka mid ah luuqadaha Qaramada midoobay waa faa’iido dheerad ah.

Habka

Qiimeynta: Qiimaynta dadka u qalma boosaskan ayaa waxaa ka mid noqon karaa qiimeyn muhiim ah kaas oo ay daba socon doonto wareysi ku saabsan kartida.

Sida loo gudbiyo codsiga:

Dadka u qalma shaqadan waxaa ay ku soo gudbin karaan codsiyadooda oo ay qayb ka tahay foomka Taariikhda Shakhsiyeed ee Qaramada Midoobay (P.11) cinwaanka hoose iyaga oo lambarka ogeysiiska shaqada bannaan iyo jegada shaqada ku qorayo qaybta mowduuca taariikhda kama dambeysta ah ama ka hor. Foomka P11 waxaad ka heli kartaa https://unsos.unmissions.org/jobs. Codsiyada la soo gudbiyo kaddib wakhtiga kama dambeysta ah ee 22 Febraayo 2018-ka lama aqbali doono. Warqadaha taarikh nololeedka dadka (CVs) lama aqbali doono. Kaliya dadka la soo dhejiyo ayaa lala soo xiriiri doonaa.

Email-ka: recruitment-unsoa@un.org

Fadlan ku lifaaq nuqulka shahaaddada dugsiga sare,  Baasaboor ama Teesaraha Aqoonsiga. Kuwani waa loo baahan yahay, waxaa ayna qayb ka yihiin codsigaaga si loo qiimeeyo in aad u qalantid. Fadlan ogow in Shahaadooyinka CID-da iyo NISA loo baahan doono qaybaha dambe ee hannaanka shaqaaleynta.

Qaramada Midoobay marnaba ma xaddideyso xaq u yeelashada dhinaca ka qaybgalka ee ragga iyo dumarka maadaama ay mabaaddii’deedu iyo tan hay’adaha la xiriira xusayaan sinnaan jinsi.

QARAMADA MIDOOBAY MARNABA MA QAADATO WAX LACAG AH INTA LAGU GUDO JIRO HANNAANKASHAQAALEYNTA (CODSIGA, KULAN WAREYSIGA, DIYAARINTA AMA TABABARKA)