Ururka Al Shabaab oo Xilliga Doorashada Qorshahooda Soo Bandhigay

0

Qorshaha ay damacsan yihiin Ururka Al Shabaab Xilliga Doorashada ayaa waxa uu yahay mid ay doonayaan Magaalada Muqdisho inay qiic iyo Olol geliyeen.

Uqaabilsanaha Ururka Al Shabaab Ee Gobolka Banaadir Cali Maxamed Xuseen waxa uu sheegay inay qorsheeyeen weerar Ay ku qaadayaan Fariisimo cayiman.

Cali Maxamed Xuseen waxa uu sheegay inay xilliga doorashada ay soo abaabulayaan weeraro kale oo Hoteelada iyo Goobaha Dawlada ay ku beegsan doonaan.

Meelaha Qaar Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey waxaana lagu arkayaa ciidan Hubeysan oo kusugan Waddooyinka Gaadiidkana udiidaya inay isticmaalaan.

Al Shabaab ayaa marar badan waxay qaraxyo iyo weerar toos ah ku qaadeen Fariisimo Dawlada ah,Kuwa AMISOM iyo Hoteelo Ganacsi oo ku yaalla Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here