Verratti oo yiri Waxaan heystaa waddadii guusheyda, waana PSG ma aha Barcelona

0

Marco Verratti ayaa ku adkeystay in “Riyadiisu” tahay guulo uu la gaaro Paris Saint-Germain halkii lagu qalqaalin lahaa in uu aado kooxda Spain ee Barcelona.

Boos dhexaadka dalka Talyaaniga ayaa hadlay keddib Khasaare ay kooxdiisu gaarsiisay Barcelona ciyaartii Champions League wareeggiisa 16-ka lugta koobaas, xilli ay jireen warar isaga la xiriirinayay Blaugrana oo uu soo jeediyay Xavi.

Balse keddib PSG oo 4-0 ku adkaatay ciyaartii Parc des Princes ee Talaadada, Verratti ayaa ku adkeystay in laacib walba sida uu rabo ay taasi aheyd mana jecli ayuu yiri in aan ku biiro kooxda Camp Nou.

Laacibkan oo 24-jir ah ayaa guusha kooxdiisa fure u ahaa, wuxuuna sameeyay fursadaha ay goolasha ku keeneen Julian Draxler iyo Angel Di Maria kuwaas oo uu ku sheegay in ay ahaayeen damaca kaliya ee uu Barca ka yeeshay waligiis, wuxuu ula jeedaa waxa kaliya ee marka aan Barca maqlo igu soo dhacayay waxay ahaayeen in aan goolal ku dhiibo kana badiyo.

Isagoo wariyeyaasha la hadlayay kulanka keddib, Verratti ayaa yiri: “Waxaan doonayay in aan idin iraahdo wax aan badneyn waqtigan, ma dooneyn waxaas in aan idin iraahdo kulanka ka hor waxaan maqlayay warar sheegaya in aan ku biirayo Barcelona.

“Waligey ma aanan dhihin kuwaas aniga. Waad garaneysaan kooxdeyda riyada. Kii aan garaneyn ha ogaado halka aan guusheeda ku riyoodo waa Paris. Xataa haddii aan khasaaro la kulanno ciyaarta kale ee Barcelona ama tii caawaba – aad ayaan ugu faraxsanahay halkan, waan ku iimaan qabaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here