VIDEO: Cabdiraxmaan Cabdishakuur & Shirkii Jaraa’id ee uu Qabtay keddib Go’aankii Maxkamadda Racfaanka

0

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wuxuu hadal kulul kala hortegay go’aankii ay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadri ku laashay Xukunkii Maxkamadda Gobolka ee ahaa in aan Siyaasiga racfaan laga daba qaadan karin, isla markaana uu xoryahay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa waxay sheegtay in Xeer Ilaalinta dalku heysato muddo 3 Bilood ah, isla markaana ay tahay in la Baaro siyaasiga, balse taas wuxuu ku tilmaamay Sharci darro.

Sidoo kale Qareennadii diiday in ay si Sharciga baalmarsan ugu doodaan Siyaasiga Maxkamaddu Amartay in lasii daayo ee Cabdiraxmaan ayey maanta maxkamaddu ku ridday Ganaaxyo iyo Ciqaab howleed.

Wuxuu sheegay in Caddaaladdii ay siyaasadeeyeen, Xeer Ilaalinta, Farmaajo iyo Kheyre.