VIDEO: Haddii aad daawato Muuqaalkan, waxaad Ogaan doontaa Wejiga Rasmiga ah ee RW Kheyre!!

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa aad loogu dhaliilay in uu Ballan ka bax sameeyay, markii uu dhibbane Qaraxii Soobe ku dhaawacmay u ballan qaaday in uu wax u qaban doono, isla markaana intaas uguma uusan simin ee qof dhibbanahaas caawiyey ayaa ku shaqo weysay Caawinteeda.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu Ballan qaad Afka aan dhaafsiisneyn Munaasabad ay ku sugnaayeen Boqollaal Soomaali ah uga sameeyay wiil yar oo Da’diisu ka yartahay 10-sano isla markaana ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay Musiibadii ka dhacday Soobe.

Xilliga Ballan qaadka uu sameynayay Kheyre wuxuu ka qeyb gelayay xusuus iyo Tacsi loo sameynayay dadkii ku dhintay qarax Musiibo ahaa oo Muqdisho ka dhacay October 14-keedii 2017, waqtiga Ballan qaadkuna waa Nov. 14, wuxuu inankaas ka ballan qaaday in loo sameyn doono Daryeel.

Cabdirisaaq Maxamed Nuur, waa Inanka yar ee uu Kheyre u sameeyay ballan qaadka dhicisoobay ee sababay in ay shaqadeeda ku weyso inantii Ra’iisul Wasaaraha iyo Wiilkan is tustay ee sababtay Kulankooda.

Gabadha inanka yar ka caawisay la kulanka Ra’iisul Wasaaraha oo ah Khadra Albash ayaa markii hore ku fashilantay, sababtoo ah in ay kooxda u qaabilsan Borotokoolku u sheegeen in aysan la kulansiin doonin.

Wiilka yar ayaan ka quusan gabadhaan oo ka mid aheyd Shirkad soo camirtay hoolka uu shirku ka dhacayay oo lagu magacaabo Maamuus Company, Cod baahiye intey qaadatay mar uu ra’iisul Wasaaruhu sii baxayay ayey tiri Ra’iisul Wasaare wiil yar oo dartaa munaasabaddaan u yimid ayaa jooga, wuxuu ku yiri iisoo Gudbi, markii uu la kulmay ayuu ku amray koox ka mid ah kuwa Borotokoolku in ay siiyaan Kaarka wicitaanka ee Xafiiskiisa Inanka yar, isagoo cod sare ku hadlaya ayuuna u ballan qaaday Waxqabad.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Saacado keddib laga soo wacay shirkadda Maamuus Company oo lagu wargelinayo in aysan maalintaas wixii ka dambeeya shaqada soo Aadi Karin Khadra Albash oo aheyd inantaas sida Mutadawacnimada ah u kulansiisay Ra’iisul wasaare iyo dhibbane uu Madax u yahay.

Khadra hadda waa Shaqo la’aan waxaana halkaas ka muuqata in xukuumadda oo dhowaan ku dhawaaqday in dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed Shaqo Abuur loo sameynayo ay ku guuldarreysatay in ay Shaqadeeda u oggolaato in ay sii wadato Khadra oo ka shaqeyneysay weliba Shirkad Gaar loo leeyahay.

Haddaba waxaan halkaan hoose idinkugu soo Gudbineynaa Muuqaal laga soo duubay Cabdirisaaq Maxamed Nuur oo ah Bukaanka Ballanta uu uga Baxay Ra’iisul Wasaaruhu, sidoo kalena ay sababsatay Shaqadii ay heysatay Gabadha Mustaqbalka Ifaya leh ee Khadra Albash.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

XOGDOONNEWS