VIDEO: Rati Geel oo Calanka Soomaaliya Lagu Rinjiyeeyay oo Farmaajo Lagu soo dhoweeyay!!

0

Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug lagu soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo weli ku gudajira Socdaal ay ku bixinayaan deegaannada Puntland.

Waxyaabaha aadka gaarka ay ugu aheyd soo Dhoweynta Madaxweynaha ee Gaalkacyo waxaa ka mid ahaa, Rati Geel oo Lagu soo rinjiyeeyay Calanka Soomaaliya, waxaana ay aheyd wax aan horay loogu Arag Gobollada uu tegay ee BARI IYO NUGAAL.

Safarka Madaxweynaha oo ah mid Nabadeed ayaa wuxuu ku mari doonaa deegaannada Galmudug maalmaha soo socda.