Villa Somalia lagu eedeeyay kaalinta ay ku laheyd cunaqabateynta Ereteria laga qaaday

0

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay dhawaan in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea, kadib sagaal sano oo ay saarneyd cunaqabateynta, kadib Qaraar ay dowladda Britain hor dhigtay Qaramada Midoobay waxaana ka dhashay hadal heyn aad u badan cunaqabateyntii laga qaaday dalka Eritrea.

Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin Axmed, oo kamida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya, doorkii ay ka qaadatay in Cunaqabataynta Hubka, ee saarneyd dalka Eritrea laga qaado.

Waxa uu sheegay xildhibaanku in xilligaan aysan habooneen in Eritrea laga qaado cunaqabateyntii saarneyd, taa oo uu sheegay in aysan wali si cad u qiranin in ay ka laabatay taageerada ay siin jirtay dagaalyahanada kasoo horjeeda dowladda.

Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin Axmed ayaa sidoo kale xusay in aan la isla barbar dhigi Karin waxqabadka dowladaha Jabouti iyo Eritrea, isagoo sheegay in Jabuuti ay dadaal xoogan ku bixineyso sidii ay ku difaaci lahayd shacabka Soomaaliyeed.

Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea ayaa waxaa ka dhaxeeya muran dhanka xuduuda ah, gaar ahaan Jasiirada Dumeyra, iyadoo labada ciidan ay ku dagaalameen gacan ku haynta Jasiiradaasi.

Waxaana xusid mudan in War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Jabuuti loogu sheegay in ay soo dhaweyneyso cunaqabateyntii hubka ee laga qaadday dalka Eritrea, iyada oo sidoo kale lagu xaqiijiyay in Jabuuti ay diyaar u tahay go’aanka lagu fududeynayo wax kasta oo lagu wada hadalsiinayo dowladaha Eritrea iyo Jabuuti.