Waa kuma Maamulka ka maqan Shirka dib u eegista Dastuurka ee Muqdisho ka socda?

0

Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw si rasmi ah uga furmaya shir weynaha heer Qaran ee dib u eegista dastuurka dalka.

Shirka waxaa daah furay ku-simaha madadaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirrada dastuurka qaar ka mid ah maamul gobolleedyada marka laga reebo Jubbaland oo qaadacday ka qayb galka Shirka walow aysan cadayn ujeedka diidmadeeda  waxaana Shirka goobjoog ka ah Guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka.

Sidoo kale mas’uuliyiinta kale ee shirka ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra”iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Dastuurka XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ,xubno matalaya Baarlamaanada Dowlad-goboleedyada dalka, Beesha Caalamka iyo in kabadan 300 boqol oo qof oo isaga kala yimid gudaha daka iyo dibadiisa.

Shirkan oo si gaar ah dhinacyada ka qeyb galaya ay diirada saari doonaan dib u eegista iyo turxaan bixinta Dastuurka KMG ah ayaa sida qorshuhu uu yahay socon doona 13-ka ilaa 15-ka bishaan May.