Waa la isku riiqday ugu danbeynse Xidigaha Barcelona oo ku guuleystay Copa Del Rey DAAWO SAWIRADA IYO QAABKII KOOBKA LOO QAATAY…

0

Barcelona ayaa qaadatay koobkeedii labaad xilli ciyaareedkaan ka dib La Liga oo ay la hadaaftay iyadoo caawa si xaraarug ah oo waliba loo baqay ineeyba weyso ay gadaal ka keensadeen laba gool oo usahlay ineey koobka Del Rey qaataan.

Biloowgii ciyaarta iyadoo Barca ay iska baashaalayso isla markaana aysan ka qasnayn ayaa kaarka gaduudan waxaa ka qaatay ciyaaryahan Masherano kaasoo badbaadiyey kubad gool noqon lahayd isagoo ku dhagay Gamairo oo kubadaasi hadii uusan funaanada uu ugu dhagay iska fasixi lahaa ayba ahaan lahayd gool.

Barcelona 10 qofood ayaay ku ciyaarayeen ilaa dhamaadkii ciyaarta marakaasoo uu Sevilla ciyaaryahanka laf dhabarka u ah Ever Banega uu kaarka gaduudan ku qaatay Neymar oo isana dhalin lahaaba hadii uu qaladka uusan u galeen.

Intii aan Sevilla uusan kaarka gaduudan ka qaadan  Ever Banega waxay u ciyaarayeen si loo qiyaasi karay ineeyba koobka qaataan iyagoo fursado badan iska qasaariyey waloow Barcelona ay ka go’nayd inaan dhinaceeda dhulka la dhigin.

Waxaa ugu sii darnaa Barcelona in wiilkooda 60-ka gool u dhaliyey Suarez uu dhaawac muruq ah soo gaaray ciyartana laga saaray markii lagu badalay Rafinha.

Laakin 90 daqiiqo ayaa kusoo idlaatay 0 – 0, iyo waliba labada kooxood oo min 10 ciyaaryahan usafanaya, Sevilla ilaa 55 daqiiqo ayay ka faa’ideysan waayeen 10 ciyaaryahan oo Barcelona ah hada oo lawada siman yahay maxaa kafilan kartaa Barcelona.

Markii ciyaarta 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu daray ayaa Barcelona soo laba kacleysay iyadoo goolkii koowaad uu usaxiixay ciyaaryahanka baalka bidix ugu ciyaara ee Jordi Alba halka goolka labaad uu saxiixay Neymar, waxaana xidiga garoonka uu ahaa Messi oo labadii gool ee Barcelona ku badisay uu lugtiisa kusoo habeeyey kuna cawiyey labada ciyaaryahan.

Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo idlaatay iyadoo Barcelona ay koobkeeda labaad xilli ciyaareedkaan ka qaadatay dalka Spain. Hambalyo ayaynu leenahay taageerayaasha Barca.

DAAWO GOOLASHA IYO GOOS GOOSKA IYO SAWIRADA.

barca1-900x601 barca2-900x605 barca3-900x640 barca5-591x675 barca6-900x653 barca8-900x624 barca-900x600

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here