Waa Maxay Dowlad ?W/Q:Mohamed Ahmed Hosh.

0

Dawladu waa habdhis ( system) ka kooban unugyo habaysan oo xukuma, ilaaliya, xadeeya, xaliya, dabra dhamaan hab-dhaqanka bulsho meel kuwada nool una yeela bulshadaas calaamad, sooc (flag) ay kaga duwan tahay bulshooyinka kale ee la dariska ah ama dunida kula nool.

Dawladi waa dad leh dal cayiman oo uu ka jiro maamul ku dhisan sharci, lehna awood sharcigaa lagu fuliyo.

Dawladnimdu waa masuuliyad wadareed ka samaysmay iskaashi bulsho oo ku salaysan maamul iyo maarayn iyo kala danbayn sharci oo bulshadaasi isla fahantay inay kuwada noolaato horumar na ku gaarto.

Maxay ka kooban tahay dowlad?

Dowlad waxa ay ka kooban tahay:

1– Dad “people”

2– Xuduud “xuduud”

3– Xukuumad “goverment”

4– Madax banaani “soveriengnty”

5– Aqoonsi “recogination”
6 – Dal ” Country”

Casrigan aan joogno dawladnimadu nolosha waa u laf dhabar, waana lagu soo hirtaa, waa mid lagu kala badbaado, waa mid wakhti, maal iyo muruq ba geliyo si sareedo badhaadhe iyo barwaaqo ummadeed loo gaaro.

Sida la wada aqoonsanyahay bulsho markay meel kuwada nooshay baahiyaheedu waa farabadan yihiin.

Baahiyaha asaasiga (basic needs ) ee Aadmaha lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada iyo horumarkeeda( society development ) waxa ka mida sidan hoose:

Caafimaadka, Waxbarashada, Caddaalada, Dastuur, Biyo, Nabadgelyo iyo Deganaansho iyo Dhaqaale IWM ee aasaasiga u ah nolosha.

Su’aashu waxa ay tahay, Qof waliba oo bulshada ka mid ahi ma qabsan karaa ama ma samaysan karaa dhamaan aasaasiyaadka nolosha?Jawaabtu waa MAYA, sidaas aawadeed dawladniadu waa lagama maarmaan.
Sida la wada aqoonsan yahay, waxaa bulshada u keeni kara adeegaasi waa DOWLAD.
Sidaasi darted dowladnimo waxay ka samaysantaa baahi-bulsho

Qaab hab-dhismeedka dowlad (structure building of state)

Waxa ay ka kooban tahay Saddex rukun ama Waaxood oo waaweyn (Three sector). Waax kastaa waxa ay qabataa shaqo u gaara(specific job). Waax kastaana way ka madaxbanaan tahay waaxda kale wallow xiriir wada shaqayneed ka dhexeeyo.

1-Waaxda Fulinta (Excutive branch)

Waaxda fulintu waa waaxda fulisa hawlaha dawlada, waana waaxda u qaabilsan in ay daboosho qabatana hawlaha bulshada. Laanta fulinta waxa hormuud u ah madaxwaynaha, madaxwayne ku xigeenka, wasiirada, agaasimayaasha, badhasaabada iyo maayirada.

2-Waaxda Sharci dajinta( legitimate branch )

Waa waaxda u qaabilsan dawlada dajinta, samaynta sharciga iy qawaaniinta dawlada lagu hagayo. Laba golle ayay u qabsantaa.

Gollaha guurtida (representive house)Gollaha wakiilada (senator house)

Isku darka labadan golle ayaa la isku yidhaaa baarlamaan.

3-Waaxda Garsoorka (judicial branch).

Waa waaxda u qaabisan garsoorka, caddaalada, sinaanta iyo ilaalinta sharciga.

Saddexdaas waaxood marka ay si wacan u gutaan waajibaadkooda, fahmaan masuuliyada saran, ka shaqeeyaan sharciga iyo wixii bulshadu isla garatay ama ku heshiisay, waxaa suuro gal ah, in la helo dawlad.

Hab xukunka dawlad (way ruled in state)

Dawladaha Adduunka badankooda laba nidaam dawladeed uuunbey ku shaqeeyaan.

1-Nidaamka Madaxwaynuhu dawlada xukumo (Excutive Presedential style)
2-Nidaamka Ra’iisal wasaaruhu xukumo dawlada (Excutive Prime minister Style)

1-Dawlada madaxwaynuhu xukumo awooda hawl dawladeedka isaga ayaa iska leh.
Wasiirada ayuu hawlaha u igmadaa, wasiiraduna shaqaale farsamo yaqaano oo madaxwaynuhu dirsaday ayay xisaabsan yihiin.

2-Nidaamka raysal wasaaruhu xukumo dawlda awooda hawl dawladeedka waxa iska leh Raysal wasaaraha.
Hab xukunkan wasiiradu awood badan ayay leeyihiin oo hadii ay wasiiro badani is-casilaan ra’iisal wasaaruhu xilka ma sii hayn karo.

Heerarka ay ka kooban tahay dowlad?

1-Dowlada dhexe “centeral goverment”
2-Maamul goboleedyo “ sub-diveded government” heerkani waa habka federalka
3-Gobolo “Regional”
4-Dowlada hoose “municpatal ”

W/Q:Mohamed Ahmed Hosh.