Wadajir bey Labo gacmood Wax ku Qabankaraan

0
Salaan kadib,waxaan dhamaan akhristayaasha qoraalkan aan ku qaadaadhigayo Midnimada Ummadda ka codsanayaa inay ila akhriyaan qormadan gaaban .
1960 Soomaaliya waxay qaadatay Madaxa Bannaani waxaana Midoobay labadii gobol ee waqooyi iyo koonfur,waxaa loo dhaqaaqay dhisida dowladnimadii Jamhuuriyadda Soomaaliya , Kadib Nidaamkii dowladii dhexe ee Soomaaliya, 1991 waxaa dhacay burburkii maskaxeed,aragti iyo mid hantiba.Hey’addihii dowliga ahaa waxay noqdeen kuwo ay ku xaroodaan qabiilo qoryo isku wada sita. Aan u soo daadago Dulucda qoraalka, 1991 dalku waxaa taladiisa la wareegay jabhado wata aragtiyo kala duwan . 18 MAY 1991 magaalada Burco waxaa lagu dhisay Somaliland oo markii hore ahayd Jabhadii SNM dhanka kale Muqdisho waxaa ka soconayay dagaalo hadba wajiyo yeesha oo qaatay Muddo. Waxaa Xaqiiqo ah oo aan aaminsanahay in Somaliland ay hormar dhankasta ka samaysay,waxaa micno ii sameenaya nabadgelyada iyo kala danbaynta kajirta,waxaa in la amaano oo la bogaadiyo mudan habka Somaliland ay u maarayso xaalada dhaqan dhaqaale. Waxaa sharaf iyo karaamo mudan sida ay Somaliland ay u xaliso dhibaatooyinka una maarayso howlaheeda .
Waxaase is weydiin Mudan fikirka siyaasiyga ah ee ay Somaliland isku maamusho,Waxaan rogrogaa oo dhinac walba ka eegaa qadiyadda ay dadka Somaliland ku raadiyaan Gooni u istaaga . Hal ku dhigyada Somaliland waxaa Kamida .
• Fikirka ah waa nala xasuuqay: Waxaan aaminsanahay in la laayay shacab iyo maato masaakiin ah lakin waxaa isweydiin mudan in la cadeeyo wa’ayo cidda wax dishay—waa Dowlad ee maaha Shacab iyo Qaranka oo dhan? Waxaan kaloo ku talinayaa in la badalo hal ku dhigaa waayo Soomaalidu 25 lasoo dhaafay ayay is dilayeen .
• 1960 kadib dadka goboloda waqooyi waxay aaminsanaayeen inay lahaayeen dad aqoonyahano ah oo u qalmay in la tixgaliyo laakinse maysan dhicin.
—-Gumeysiga ka hor konfur iyo waqooyi makala ahayn labo gobol,kaliya Gumaystaha ayaa qeybiyay –kadib gumaysigii 26 jun 1960 goboladii waqooyi wax shuruud ah kumaysan xirin markii calanka ay keenayn koonfur, Markaa maaha in Maanta laga shalaayo shalay Maxaan Midnimada Shuruud ugu xiri weynay.
• Looma Dhamayn Dowladii Dhexe— waxaan Somaliland ka dhex arkaa oo iiga dhex muuqato Soomaalida inteeda kalana ay ku dhaqmaan inay sameeyaan wixii ay iyagu ka cabanayeen shalay.
• Goboladii waqooyi oo dhan ma kuwada qanacsanyihiin Gooni Istaaga?
• Hey’addaha ugu Sareeya iyo Caasimadaha Somaliland waa halkee?hadii shalay sadbursi la tabanayay.
• Xasuuqii Hargeysa ka dhacay kii Kalshaale muxuu uga duwanyahay ?Maxaase lagu qancinayaa dadka reer Kalshaale ,laascaanood iyo Boorame .
Puntland,Koonfur Galbeed,Jubbaland,Galmudug iyo Gobolka Banaadir side ayay u ilaaliyaan cadaalada iyo sinaanta maamulka mise waxaa hadba caado u ah sadbursiga beelaha markaa Xoogga isku tuhmaya ileen Cadaalad baa deeqda Dadka.
Waxaan Isweydiiyaa Siyaasiinta Somaliland Maxay ka dhigi doonaan Ajendayaasha Xiga ee ay la hortagi doonaan Caalamka 25 kadib???
Dhanka kale, Magaalada Muqdisho iyo badanka shacabka gobolada koonfur Soomaaliya waxay ahaayeen kuwo soo maray dagaalo wajiyo badan leh balse maysan qaadan go’aan isdhiibid ah waxayse badalkeeda sameeyeen yididiilo iyo kor u soo kac dowladnimo ka furfuran dowladii dhexe ee soomaaliya .
Waxaan is weydiiyaa Shacabka koonfur maxay u yihiin kuwo ka aamusan arimaha u baahan taabashada .
• Ma badna oraahyada Shacabka koonfur ee ku aadan Midnimada Gobolada Soomaaliya
• Ma Moodaa Hey’addaha Dowlada Federaalka iyo Nidaamka Dowliga inuusan ahayn mid soo dhawayn u sameenaya shacabkii Gobolada Waqooyi ?
• Shalay hadii waqooyi wax keeneen manta koonfur maxaa laga filan karaa?
Dadku waa wada danbiilayaal: Qabiil kasta oo Soomaaliya dega wuxuu qeyb ka qaatay Dhibaatooyinkii Dhacay . Ummadu waa inay qirataa danbiyadooda isla markaana ay cafis waydiistaan Ummadda Soomaaliyeed .
Guntii iyo Gunaanadkii, Waxaan aaminsanahay in Midnimada Soomaaliya iyo wadajirkeeda ay tahay mid ay gacanta ku hayaan shacabka soomaaaliyeed oo aysan ahayn midda hadba raacda dabaylaha ay siyaasiyiintu wadaan . Soomaaliyada aan rabno waa mid leh Hogaamiye iyo shacab ay runtu ka wada dhaxayso islamarkaana Sharciga iyo kala danbayn isku maamula. “ Soomaaliya Waa hal Ummada Soomaaliyeedna Waa hal Siyaasiyiintuse Waa dhawr”
Afeefasho: Qoraalkan waa aragtidayda qofkasta oo akhriyaana si buu u fasiran doonaa laakin waxaa muhiim ah in qofkasta uu leeyahay aragti. Mahadsanidiin. Fadumo Cabdi Cali
Talo iyo Tusaale fadlan ku soo dir: happy196@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here