WADDADII XARIIRTA Q-1Ad: WQ: Dr. Saadiq Enow

0

Shabakadda Xogdoonnews waxay idiin doortay in ay idiin bilowdo cashar aan is-leeyahay faa´iido gaar ah ayuu idiin-leeyahay oo uu Qoray Dr Sadiq Enow , kaas oo ah xarig-jiidka ka dhexeeya dowladaha waawayn iyo loolanka dhaqaale oo ay ku hardamayaan, siyaasadaha cayn-siiban, colaadaha aamusan ee kuwa dagaalamayo kuwo aanan ahayn ay ku baaba´een, dekadaha daafaha dunida ee la-kala boobayo, istraateejiyadaha deegaan-siyaasadeed iyo kuwa deegaan-dhaqaale, colaadda xoogan ee ka taagan bariga dhexe, taas oo ay ku dhinteen dad rayid ah oo tiradoodu malaayiin gaaraya, is-bahaysiyada danaha ku dhisan ee xiriiradooda ay sidii shabaagta u guntan-yihiin, xoogagga aanan muuqan iyo fagaaraha dhabta ah ee uu fadhiyo khilaafka dunida ka taagan. Arimahaas oo si toos ah inoo taabanaya xilli Soomaaliya ay noqotay ummad aanan taag lahayn, ayaan jecleystay in aan u soo bandhigo dhallinyarada ila-wadaagta xogaha, si aanu garaadkayaga sare u-kicinno oo aanu ayaamo uga gudubno sheekada tuulooyinka cidlada ah oo dadkayagu ay isku haystaan iyo siyaasaddan ayan deeradu ka biyo-cabayn. Mas´aladahaas aan soo xusay waxaa ina fahamsiinaya oo dhamaantood ay xiriir la leeyihiin cinwaankan aan u dooray qoraalka.

Waddadii Xariirta (Silk Road), waa magac baxay qarniyadii dhexe. Magacu wuxuu yahay mid xambaarsan taariikho ay ku raran yihiin dhiillo siyaasadeed iyo legdan dhaqaale. Waa magac xiriir la leh dhamaan il-baxnimooyinkii ka curtay daafaha dunida oo ay kamid yihiin il-baxnimadii Shiinaha, il-baxnimadii Hindida, il-baxnimadii Faraaciinta iyo il-baxnimadii Roomanka. Waddadaas oo magaca ku qaadatay xiriirkii ganacsi ee u dhexeeyay bulshooyinkii ku noolaa dunida labadeeda dacal (Bari iyo galbeed), waxay ahayd mid aanan meel keliya ku sugnayn oo hadba waxay la guureysey awoodda dhaqaale ee curata iyo istraateejiyadda siyaasadeed ay ummaduhu kala qaataan. Waddada waxaa ku goosha ayniyada ganacsi oo markaas ay dadku xiiso u hayaan ama noloshooda kabaysa.

Aadamiga oo tan iyo intii dhulka lagu dul-uumay, si uu u noolaado dagaal kula jiray cimilada, ayaa ahaa midka curinayay waddada iyo degaanadeeda. Si loo helo nolol berya-samaad leh oo la heer ah hadba garashada garaadka aadamiga, dadku dagaal ayuu ku jiray. Dagaalkaas cimilada ka-sokow waxaa jiray dagaal kale oo u weheliyay, kaas oo ah dagaalka dhexdiisa ah. Sababta keenaysay in bulshooyinka aadamigu ay is-colaadiyaan, welina ay tahay sabab xooggan oo dagaallada hurisa waa mid qura oo waa sabab dhaqaale. Hantida oo laysku qabsado ayaa mar-walba waxay sabab u ahayd in dhiig badan uu ku daato. Xataa colaadihii waawaynaa ee taariikhda galay ee Tataarka iyo Macatab u-dirirka ahaa, waxay salka ku hayeen arimo dhaqaale. Colaadihii u danbeeyey ee qarnigii tegey dunida gilgilay (Dagaalkii I-aad iyo Dagaalkii II-aa), qudhoodu waxaa dhaliyay sabab dhaqaale. Dagaalkii qaboobaa oo ka danbeeyay labadaas dagaal, iyo dagaallada maanta ka socda dunida guudkeeda, qudhoodu waxay leeyihiin sababo dhaqaale oo huriyay.

Si-kasta oo ay u kala duwan tahay mabaadiida ay kala-wataan xoogagga diriraya, hal-haysyada ay muujinayaan iyo caqiidada lagu dagaalamayo, dunida kama dhacin mana ka dhici-doono dagaal uusan sababtiisu dhaqaale ahayn. Dhaqaalaha lagu dagaalamayo, ama ha ahaado hanti kooban oo laba qof ku diriraan ama ha ahaado hanti cayriin oo dowladuhu ku diriraan, waddooyinka uu dhaqaaluhu marayo waxay la qiimi yihiin hantidaas laysku colaadinayo. Sidaa darteed, fahamka waddada xariirta waxay bixinaysaa garasho faxan oo qofka uu ku ogaado ubucda cayaarta siyaasadeed ee dunida ka socota iyo istraateejiyaadka ay xoogagga hardamaya kala leeyihiin.

Hantida cayriin ee la gaarsiinayo seyladaha looga baahn-yahay, ama ha ahaato hanti la boobay ama ha ahaato hanto ganacsi loo wado, waxay u baahan yihiin waddooyin amaan ah, kuwaas oo xoojinaya qiimaha iyo sicirka hantida la waldaaminayo. Fahamka qiimeynta waddooyinka ay hantidu ku gooshto wuxuu bilowday goor hore. Waxay ahayd mar ay bulshooyinkii aadamiga ahaa inta ku faafeen qaaradihii gaboobey ee saddexda ahaa (Aasiya, Afrika iyo Yurub), misana ay isu baahdeen in uu dhex-maro xiriir wax is-dhaafsi iyo ganacsi. Sidaas ayaa waxaa ku curtay waddooyinka taariikhda galay ee lagu magacaabay Waddadii Xariirta (Silk Road), taas oo isugu jirtay waddooyin badda mara iyo kuwo beriga mara. Waddooyinkaas ayaa ahaa xiriiriyaha ganacsiga qaaradahaas saddexda ah.
Qore: Dr. Saadiq Enow
saadiq.enow@gmail.com