Wafdi ka socda WFP oo gaaray Degmada Hobyo

0

Maanta Duhurkii waxaa gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, wafdi ka socda Hey’adda Cunnada Adduunka ee WFP iyo xubno ka tirsan Safaaradda Talyaaniga.

Wafdiga WFP ayaa qorshaha Safarkooda lagu sheegay in ay indha-indheynayaan halka ay mareyso xaaladda Cunna Yarida ee Gobolka Mudug, sidoo kale waxay soo fiirinayaan Dekadda Hobyo oo ay doonayaan in ay kasoo dejiyaan wixii gargaar ah ee lagu caawinayo dadka deegaannada Galmudug.

Xubnaha Safaaradda Talyaaniga ayaa dhankooda waxay kormeerayeen sida ay ku socdaan Mashaariic ay dowladdoodu halkaas ka fulineyso iyo sidoo kale goobo dheeri ah oo ay dooneyso in ay ka billowdo Mashaariic horumarineed.

Waxay kulamo la qaateen Wafdigu intii ay ku sugnaayeen Hobyo, Maamulka degmadaas, Odayaasha iyo qaar ka mid ah Aqoonyahannada.

Dowladda Talyaaniga ayaa mashaariicda ay halkaas ka fulineyso waxaa ka mid noqonaya, Dhismaha Xabsi weyn oo taageeraya Hey’adaha Amniga iyo Caddaaladda ee Galmudug.