Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Kismaayo Ku wajahan

0

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi C/laahi & Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Ujeedada socdaalka Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka & Wafdigiisa ayaa la xiriirta arrimaha ku aadan dadaaladii Golaha Aqalka Sare ay ka wadeen Maamul Goboledyada ee ku aadan xalinta Khilaafka dowladda Somaliya & Maamul Goboledyada ka dhex taagan.

Cabdi Xaashi ayaa Saxaafadda u sheegay inuu ku wajahan yahay Magaalada Kismaayo oo dadaalo kala duwan oo xal u helid ah ay utagayaan.

“Aniga iyo Wafdi aan hoggaaminaayo waxaan aadeynaa Kismaayo Jubbaland, waxaan u aadeynaa waa tii aan hawl soo wadnay meel gabo gabo ah ayeey mareysaa, waxaan rabnaa markaasi in aan xoogga dadka marka hore cid waliba inaynu aragno oo dalkeena sidii si nabad ah oo mid ah wax u dhaqaajin laheyn in aan soo dhiraan dhirino.” Ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Wali waxaa taagan tabashadii ay qabeen Maamul Goboledyada dalka ka jira kuwaasi oo tabasho ka ah dowladda Federalka Somaliya, inkastoo Golaha Aqalka Sare ay soo gudbiyeen qodobadii ay ka cabanayeen Maamul Goboledyada.