Wakiilo katirsan Beesha Caalamka oo Garowe kula kulmay Madaxweyne Siciid Deni

0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ku qaabilay magaalada Garowe wafdiga uu hogaaminayay Nicolás Berlanga oo booqasho ku tegey maanta magaalada Garowe.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Safiirada wadamada Taliyaaniga iyo Sweden u jooga Soomaaliya.

Kulanka Madaxtooyada Garawe ku yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo wakiilada ka socday beesha caalamka ayaa intiisa badan looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada.

Nicolás Berlanga iyo xubnaha la socday ayaa Madaxweynaha Puntland kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya iyo sidii Puntland qeyb uga noqon laheyd xal u helida ismari waaga siyaasadeed ee taagan.

Wakiiladan maanta gaaray magaalada Garawe ayaana gaarsiiyay Madaxweyne Deni fariin ay uga sideen Wakiilada kale ee ku sugan Xarunta Xalane, waxa ayna ugu baaqeen Deni in uu aqbalo ka qeyb galka shirka uu iclaamiyay Farmaajo.

Wadamada Beesha Caalamka ayaa waxaa ay cadaadis xoog leh ku hayaan madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland inay ka qeybgalaan kulanka uu iclaamiyay Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.