War deg deg ah: Dagaal culus oo hadda ka socda duleedka Balcad

0

Deegaan Duleedka ka ah degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socda dagaal culus oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sida wararka aanu ku heleyno dagaalka xoogiisa ayaa ka socda deegaanka Baliga ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamo uu hoggaaminaayo Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa degaankaasi weerar ku qaaday , waxaana la sheegay in ay difaac galaan Al-Shabaab oo halkaasi ku sugnaa.

Dhinaycada dagaalka u dhaxeeya dagaalka ayaa la soo sheegayaa in gurmadyo kala duwan uu gaarayo.