War deg deg Ah oo Caawa laga Hadal Hayo Muqdisho + Farmaajo oo Amar Bixiyey

0

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa caawa xiran gabi ahaan mana jiraan wax isku socod gaadiid ah oo ka jira.

Ismaaciil Cabdi Guure oo ah gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ayaa habeen hore xaqiijiyay in laba maalmood la xiri doono wadooyinka Muqdisho si loo xaqiijiyo ammaanka magaalada madama maalinta berito ah ay dhici doonto xafladda caleema saarka madaxweyne Farmaajo.

Si kataba fiidnimadaan ayaa wadooyinka lagu soo daadiyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda kuwaas oo joojiyay dhamaan dhaq-dhaqaaqyadii Gadiidka ee jiray inkastoo Bulshada ay isticmaali karaan wadooyinka.

Berito oo taariikhdu ku beegan tahay 22-ka February waxaa la filayaa iney madax badan isugu yimaadaan xafladda Caleema saarka Farmaajo, laamaha amaanka ayaana wada dadaal ay ku sugayaan amaanka magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here