WAR DEG DEG AH:- Qarax Khasaare Geystay Oo Ciidanka AMISOM Lagula Eegtay Ex Kontorool Balcad

0

Kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa goor dhow waxaa Qarax khasaare geystay lagula eegtay isgoyska Ex Kontorool Balcad ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM oo halkaasi marayay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid xoogan balse ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxan lala beegsaday ciidanka AMISOM.

Sidoo kale waxaa maanta kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM Qarax khasaare geystay lagula eegtay gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan inta u dhaxeysa deegaanada Leego iyo Balidoogle.

Al-shabaab oo war qoraal ah ku soo qoray Baraha ay warakooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen Mas’uuliyada Qaraxa ciidanka AMISOM lagula eegtay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay sheegeen in khasaare ay ku gaarsiiyeen ciidanka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here