WAR DEG DEG AH:- Qaraxweyn oo Ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay goob lagu shaaxo oo ku taala degmada Warta-Nabada ee magaalada Muqdisho. waxaana xiligaasi ku sugnaa dad badan oo ku shaaxayay goobta sidoo kalana iska sheekaysanayay.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil goobta tagay Qaraxa ayaa dhacay ka dib markii uu Isqarxiyay nin watay Mooto oo soo galay goobta ay fadhiyeen dadka shacabka ah.

Inta la ogyahay waxaa geeriyooday Ninka Isqarxiyay oo kaliya sidoo kalana waxaa dhaawacmay ilaa iyo 8-ruux oo dhamaantood ah dadkii shacabka ahaa ee goobtaasi ku shaaxayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here