WAR DEG DEG AH:- Sargaal Ka Tirsan Shabaab Oo Isku Dhiibay Maamulka Galmudug

0

Wararka ka imaanaya Koofurta Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Galmudug uu isku dhiibay Sargaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo lagu Magacaabo Maxamed Daahir “Timo-jilic”.

Sargaalkaan lagu Magacaabo Timo-jilic ayaa ka mid ahaa Shabaabka ku sugan Magaalada Xarardheere ee Koofurta Gobolka Mudug,waxaana uu sheegay inuu iskaga soo baxay Shabaab oo uu mudo ka tirsanaa.

Sidoo kale Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Galmudug ayaa Xaqiijiyay Jiritaanka warkaas,waxaana ay sheegeen in ay si fiican ula dhaqmayaan Sargaalka isku soo dhiibay.

Hayeeshee ma ahan markii ugu horeysay oo Rag ka tirsan Shabaab ay isku soo dhiibaan Ciidamada Galmudug iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Mudug iyo Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here