Warar dheeraad ah oo laga helayo Qarax ka dhacay Qansaxdheere

0

Wararka ka imaanaya degamada Qansaxdheere ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay Qarax Miino, kaasoo geystay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawacba.

Inta la xaqiijiyay 1 Askari ayaa ku dhintay 3 kalena waa ay ku dhaawacmeen Qaraxaas oo ka dhacay Xarun Baaritaan oo Ciidanka dowladdu ay ku lahaayeen Degamada Qansaxdheere.

Markii uu qaraxaasi dhacay, waxaa xigay in Hawada laga saaray Isgaarsiinta iyadoo ay ciidamada maamulka Koofur Galbeed halkaas ka billaabeen Baaritaan lagu soo qaqabtay dad dhallinyaro u badan.

Al-shabaab ayaa sheegatay Qaraxaas mas’uuliyaddiisa waxayna sheegeen khasaaraha gaaray ciidanka Koofur Galbeed uu aad uga badanyahay tirada 3da dhaawac iyo 1ka dhimasho ah.