Warar dheeri ah: In ka badan 10 qof oo ku dhimatay Qarax Gaari oo Muqdisho ka dhacay

0

Warar dheeri ah oo kasoo Baxaya Qarax ka dhacay Iridda hore ee Hotel Weheliye ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayey wararku sheegayaan in ay ku dhinteen ilaa 11 qof, halka tiro intaas ka badan la sheegayo in ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ayaa gaaray halka uu qaraxaasi ka dhacay, waxayna billaabeen in ay goobta xiraan, isla markaana ay kaliya gaadiidka gurmadka u oggolaadaan.

Filo faafaahin dheeri ah.