Wararkii ugu dambeeyay Shaqaale ka tirsan Bisha Cas oo la Afduubtay

0

Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegtay inay bilowday hawlgal ay ku baadigoobayaan Shan ka tirsan shaqaalaha Hay’adda Bisha Cas oo shalay gelinkii dambe ay Shabaab ka afduubteen degaanka Busleey oo 20-KM ujira magaalada Baydhabo.

Masuuliyiinta Bisha Cas ayaa waxa ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin xaaladooda nololeed Saddex Dumar ah iyo Laba Rag oo shaqaalahooda ka tirsan, kuwaasi oo ilaa hadda lagu la’ yahay afduub iyaga iyo gaari NOAH oo ay wateen.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi Aadan oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ciidamo ammaanka ka tirsan ay ku baxeen goobta lagu afduubtay shaqaalaha, islamarkaana ay baadi goob ku hayaan.

“Ilaa hadda way maqan yihiin, ciidan ayaan u dirnay goobta lagu afduubtay shaqaalahan, markii hore iyaga ayaa qalad sameeyay oo Hay’adaha amniga aanan ku soo wargelin inay halkaasi aadayaan, hadda kadib waxaan adkeyneynaa isla xisaabtanka aan la yeelaneyno Hay’adaha ka hawlgalla degaanadeena”. Ayuu yiri Wasiir C/risaaq.

Ururka Al Shabaab ayaa meelaha ay ka joogaan Koonfurta Soomaaliya ka mamnuucay shaqaalaha gargaarka ah ee arimaha Bini’aadinimada ka shaqeeya.