Wararkii u dambeeyay ee Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

0

Qarax Miino oo ka dhacay Duleedka Muqdisho ayaa la sheegayaa in uu Khasaare kala duwan kasoo gaaray ciidamada dowladda iyo dad Shacab ah.

Gaari Cabdi Bile ah oo Marayay inta u dhexeysa Siinka Dheer iyo KM13 ayuu qaraxa oo Nuuciisu Miinada dhulka lagu aaso ah, ku haleelay halkaas.

Hal Askari iyo 2 qof oo Shacab ah ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen Qaraxaas, sida dadka deegaanku ay sheegayaan.

Ciidamada ayaa dhankooda Qaraxa keddib Rasaas furay in kastoo taas aysan cidnka waxba ku noqon.