Wararkii ugu Dambeeyay Dil Naxdinleh oo ka dhacay Muqdisho

0

Waxaa xalay xilligii suxuurta lagu dilay Magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ahaa oo watay Mooto Bajaaj, xilli mootada ay saarneyd haweenay fool ah oo Isbitaalka loo waday.

Dilka wadaha Mooto Bajaajta ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Saybiyaano, gaar ahaan meel ku dhaw Ajabka Shidaalka Saybiyaano, halkaasi oo xilliga Mootada ay mareysay askari uu xabad ku riday.

Askarigan ayaa la sheegay inuu ka soo baxay Xaafadda Kashmiir oo ka tirsan Saybiyaano, waxaana xigtay xabad inuu ku riday Mootada oo wadada iska mareysay.

Wadihii Mootada oo lagu magacaabi jiray Maxamad C/laahi Xasan, ayaa madaxa ay kaga dhacday xabadii uu soo riday Askariga, intaasi kadibna waxaa gadoontay mootadii uu waday wiilka geeriyooday.

Askariga dilka gaystay ayaanan ku sugnayn goob Koontarool ah oo Ciidamada ay joogaan, balse waxaa la sheegay meel ku dhaw Ajabka Shidaalka Saybiyaano inuu ka soo baxay oo sidaasi xabad uu ugu riday Mootada, kadibna uu meesha ka cararay.

Ehelada Marxuumka la dilay ayaa sheegay inay dalbanayaan cadaaladda si gacanta loogu soo dhigo askarigii dilkaasi gaystay, kadibna ka baxsaday goobta.