Wararkii ugu dambeeyay hawlgal Dad lagu xixiray oo ka dhacay Muqdisho

0

Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay hawlgal ay ku soo qab-qabteen dhalinyaro ka sameeyay Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Si gaar ah waxa ay ugu howlgaleen Xaafadaha u dhaxeeya Carwo Ikto illaa Cali Kamiin oo ka tirsan Degmada Warta Nabadda. Goobo fagaare ah ayay Askarta isugu gaynayeen Dhalinyarada oo baaris kadib sii deynayay qaarkood, halka kuwa ay ka shakiyaan ama ay la xiriirinayaan Al-Shabaab u qaadayay Saldhigyadooda, si ay Baaris ugu sameeyaan.

Inta howlgalka uu socday waxa ay xannibeen Ciidamada Booliska Isku socodka Dadka iyo Gaadiidka sida ay Risaala u sheegeen qaar kamid ah dadka Deegaanka.

Qof kamid ah dhalinyaradii lagu qabtay hawlgalka ayaa sheegay in goob fagaare ah la isugu geeyay, shaqsiyaadka ay waji garteen ama ay ka shakiyeen Ciidamada Dowladda ay u wateen mid kamid ah Xarumahooda Baarista.

Hawlgalkaan ayaa wuxu ku soo aadayaa, iyadoo maalin ka hor Shabaab ay rasaas ku fureen xarunta Laanta Barwaaqo ee ku taalo Degmada Warta Nabadda.