Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Agagaarka Madaxtooyadda

0

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Qaraxyo iyo dagaal toos ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in hadda ay xaalado degan tahay.

Labo Qarax ayaa ka dhacay meel u dhow Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana Qaraxyaddaasi ay dhaceen ka dib markii Ciidamada Ammaanka ay dagaal culus la galeen dabley hubeysan oo soo weerartay.

Qaraxa koowaad oo ahaa gaari ayaa ka dhacay Umbulutooriyadda Ceelgaabta Degmada Xamar Jajab, meel ku dhaw Koontaroolka Ciidanka ay joogaan ee Beerta Nabadda.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo tiradda ku dhimatay Qaraxyadda iyo dagaalka Maanta ka dhacay Muqdisho.

Xaaladda goobihii ay wax ka dhaceen ayaa hadda degan,inkastoo aan wali si rasmi ah loo ogeyn halka ay ku dambeeyeen dableydii weerarka soo qaaday.

Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda ayaa adkeeyay Ammaanka goobihii ay wax ka dhaceen, waxaana socda baaritaano.

Labadda Qarax ayaa ka kala dhacay dhabarka ee Hoteel SYL iyo  Umbulutooriyadda Ceelgaabta Degmada Xamar Jajab, meel ku dhaw Koontaroolka Ciidanka ay joogaan ee Beerta Nabadda.

Ma jirto hadda wax rasaas ah oo socota, waxaana muuqataa in weerarkii lasoo Afjaray.

Wali lama xaqiijin karo in la toogtay dableydii Weerarka soo qaaday iyo sidoo kale in ay baxsadeen, mana jiro wax war ah oo wali kasoo baxay Hay’addaha Ammaanka.