Wararkii ugu dambeeyay Xiisadda Dabageed iyo Waare

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah Waxgaradka Magaalada ay bilaabeen dadaallo ay ku doonayaan in ay kusoo Afjaraan Xiisadda xilliggaan ka taagan gobolka ee ka dhalatay xilka qaadista Gudoomiyaha gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah waxgaradka Magaalada Beledweyne ayaa la kulmay Gudoomiyihii xilka laga qaaday Yuusuf Dabageed, waxaana ay ka codsadeen in uu xilka wareejiyo Ama uu ka baxo xarunta gobolka wuuna diiday.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu waddaa in ay Maanta tagaan Magaalada Beledweyne si looga hortaggo dagaal ka dhasha xilka qaadista Dabageed.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la sheegay in uu amar ku bixiyay in xoog looga saaro xarunta gobolka sidoo kalena la soo xiro Gudoomiye Yuusuf Dabageed Gudoomiyihii xilka laga qaaday.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay maanta uu is difaaci doono hadii la isku dayo in la xiro, waxaana la sheegay in uu wato Ciidamo badan oo taageersan, islamarkaana kasoo horjeeda xilka qaadistiisa.