Warbixin:-12 sano kadib Bil Ramadaan Qarax kama dhicin Muqdisho

0

 

Dowlada Federaalka Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Madaxweyna Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Xukuumada uu RW ka yahay Xasan Cali khayre ayaa ku guuleestay in aysan Dhicin wax Qaraxyo ah bisha Barakeysan Ee Ramadaan iyadoo ay mareyso 27 Maamlmood waxayna sugeyn Amniga caasimada.

Bishaan Ramadaan ayaa noqotay Bishii ugu horeesay oo si Nabadgalyo ah oo aan qaraxyo dhicin lagu Soomay waxaa la ogyahay in sanad waliba ay Magaalada Muqdishu Qaraxyo waaweyn ka dhici jireen hase ahaate Tan iyo Sanadkii 2006 Ayaa u danbeesay Bil Ramadaan oo si nabad ah ay ku Soomaan shacabka Muqdishu.

inkastoo Dowladaan ay Ku guuleesatay Bishaan in aysan Wax Qaraxyo ah dhicin Ramadaanka ayagoo Ka Taxadiray in aysan ka dhicin wax qarax ah tan oo ka dhigaysa amnigii 12 sano ka hor xiligii maxaakinta oo kale.

Waxaana hada la dajiyay qorshiyii lixda bil ee soo socda iyado ciiddanka Nisa laga dhigayo dhar cad hoosta ka hobaysan sidi lagu yaqaan bari samaadkii Xukuumada Khayre hogaamiyo ayaa noqoneysaa Mid wax badan ka badashay Amniga iyo Horumarinta dar dargalinta mashaariic horumarineyd.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay adkeyn doonaan ammaanka guud ee magaaladaasi inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, lana dardar gelinayo howlaha amni xaqiijinta ah Caasimada waxaana la ogaa xiliyada bisha Ramadaan in Ururka Alshabab ay soo qaadaan Weeraro iyo Qarxyo Qorsheysan hase ahaate waxaa Si cad u sugay amniga caasimada Ciidanka Xasilinta iyo Booliska.

RW Xasan Cali Khayre Ayaa Amar ku bixiyey Bishii lasoo dhaafay in Amniga caasimada la adkeeyo islamarkasne Umadda Muslimka ah ee ku nool Magaalada Muqdishu ay ku Soomaan si nabad ah loona baahan yahah in ciidamada amniga looga fadhiyo in ay dardar geliyaan qorsheyaasha amniga, waxaana dhinaca kale uu sheegay in loo keeno dadka dhibka ka wado Caasimada si loo horgeeyo Cadaalada.

Sikastaba ha ahaate Waxaa ka harsan Bisha Ramadaan 3  Maalin kaliya waxaa la sugaa waa dhamaadka bisha ramadaan oo si amni ah ku dhamaato taasi waxay sare u qaadi doonta dowlada ay in ku taalabsatay guul taariikhi ah ay horey u samayn waayen dowladahii ka horeeyey inkastoo Bishaan Ramadaan ay dhacayeen Dilal Qorsheysan halka ay dowlada ay hakisay qaraxyadii dhici jiray bil waliba oo Ramadaaan.