Warbixin daboolka ka qaaday Dalalka ay ku nool yihiin qoysaska 26-ka wasiir ee Soomaaliya

0

Warbixin uu diyaariyey ururka Wakiil ee la socda arrimaha dowladda Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday dalalka ay ku nool yihiin qoysaska 26-ka wasiir ee xukuumadda Soomaaliya ee dadka Soomaalida ee ku sugan gudaha dalka ay ka sugayaan inay wax u qabtaan.

Baaritaanka Wakiil ayaa shaaca ka qaaday in 92.4% ay wasiirada Soomaaliya xaasaskooda iyo caruurtooda ku nool yihiin dalka dibeddiisa, halkaasi oo ay ku haystaan nolol ka amni iyo dhaqaale wanaagsan tan gudaha.

Dalka Kenya ayaa ah dalka ay ku nool yihiin qoysaska ugu badan ee wasiirada Soomaaliya, halkaasi oo ay joogaan sideed ka mid ah qoysaska wasiirada, waxaana kusoo xiga dalka Canada oo ay shan wasiir qoysaskooda joogaan, halka dalka UK ay joogaan 4 qoys.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku nool kaliya laba ka mid ah 26-ka qoys ee golaha wasiirada.

Dalalka Australia, Denmark, Italy, Saudi Arabia, Tunisia, Imaaraadka iyo Mareykanka ayaa kiiba waxaa ku nool hal qoys.

Dad badan oo Soomaali ahaa ayaa inta badan siyaasiyiinta Soomaalida ku eedeeya inaysan dareemi karin dhibka haysta shacabka Soomaaliyeeed ee gudaha, maadaama qoysaskooda aysan qeyb ka ahayn. Qaarkood waxay yiraahdaan waa ay adag tahay inuu kuu damqado qof aan dhibka kula dareemeyn.