Warbixin: Eryidii Haysom iyo Madaafiicdii Xalane

0

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan culus
ka soo saartay Ergeyga Qaramada Midoobey
u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom, saacado kaddib markii uu soo saaray warqad uu ku dalbanayo in sharaxaad laga bixiyo dhacdooyinkii ka dhacay Baydhabo iyo xariggii Mukhtaar Roobow, kaasoo loo diray Wasiirka Amniga.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Ergeyga Qaramada Midoobey
Amb. Nicholas Haysom aan laga rabin dalka, kana shaqeyn karin, taasoo macnaheeda tahay in dalka laga eryay (Persona Non Grata)

Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu jabiyay
hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobey, si bareer
ahna u farageliyay Madax bananida Soomaaliya bayaanka dowlada ay Ku cayrineeyso ergayga qaramada midoobay ayaa yimid saacado yar kadib markii weer xaga madaafiicda ah lagu qaaday xarunta
qaramada midoobay ee soomalia

“Toddobo madfac ayaa ku dhex dhacday gudaha saldhigga Xalane waxaana ku dhaawacmay labo ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo hal ruux oo qandaraasle ah balse ma aha kuwo halis gelinaya noloshooda.”ayaa lagu yiri qoraalka
uu soo saaray ergeyga Qaramada Midoobay.

“Weerarka aan tooska ahayn ee lagu soo qaaday Xarunta weyn ee Qaramada Midoobay waxa uu ku yahay xadgudub sharciga caalamiga ah ee bani’aadananimada,waxana aan si adag u cambaareynayaa falkan gardarada ah ee lagu soo qaaday shaqaalaheena.”ayuu yiri Mr Haysom.

“Ma jiro wax qorshe siyaasadeed ah oo laga lahaan karo in lagu xadgudbo shaqaale hay’ado caalami u shaqeynayo kuwaasoo taageeraya sidii nabad loo soo celin lahaa loona xoojin lahaa hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya,Waxan u rajeynayaa caafimaad deg-deg ah shaqaalaha ku dhaawacmay weerarkan.”ayuu sii raaciyay Mr Haysom.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Weerarka madaafiicda ah hase yeeshre Labada dhacdo ayaa u muuqda kuwo ay u dhaxeeysay saacado yar dadka qaar ayaa Su,aallo iska weeydiinaya waa maxay sababta Dowlada soomaalia aysan u cambaareeyn Weerarada madaafiicda ah ee lagu qaaday Xarunta qaramada midoobay ee xalane oo La Ogyahay in ay adkayd sida ay argagixisada Ururuka al Shabaab awood ugu yeelan karaan Weerar noocan oo kale ah marka la, eego 8 Sideedii sano ee u danbeeysay

Qore: Elmi Osmaan Farah Boodhari