WARBIXIN :- FARMAAJOOW WELI FAR BAA TAAGAN.!!!

0

Marka hore waa Nasri Alle iyo Nasiib wanaag in ay si nabad galya ah iyo rabitaankii shacabka Soomaaliyeed  ay  ku  soo Af meeranto 08 February 2017Ka  Doorashadii  Madaxweynaha  Soomaaliya ee lagu qabtay markii labaad Caasimada Soomaaliya ee  Muqdisho,mana aheyn guushaasi mid si fudud lagu gaaray  ee waxaa laga soo maray dadaal iyo daal fara badan oo soo taxnaa tan iyo dowladihii KGMG ahaa oo aakhirkii suurtagal ka dhigay in aan dalkeena  ku qabsano doorashooyinka.

 Marka xiga ma aheyn bilowgii hore  Sawirada laga helayay iyo aragtidayada  laga kala bixinayay hanaanka ay  Doorashada Dadbani  dabayaaqadii sanadkii hore uga soo bilaabatay 6-da Maamul Goboleed iyo Caasimadaba,  mid ay ku qanacsanaayeen inta badan Shacabka Soomaaliyeed ee sida dhow ula socday sida lagu daah furay hardanka iyo xusul duubka loogu jiray kuraasta Xildhibaanada, oo inta badan laga soo warinayay murano iyo cabashooyin is daba joog ah, maadaama  la isku adeegsaday wax kasta oo la kari karay. ‘’Meelaha qaar waa la isku awood sheegtay ,Meelana waa la isku Dhaqaala sheegtay.Meela Kalana waxaa laysaga soo saaray isbaheysiyo Siyaasadeed oo looga gon lahaa in looga faa’ideysto doorashada dalka,’’…..Sidaa daraadeed dad badani rajo badan kama qabin in ay  Doorashada Dadbani ku soo idlaan  doonto Natiija wanaagsan.oo waxa ay rumeys naayeen in laaluushka iyo musuq maasuqu  uu go’aamin doono cidda ku soo bixi doonta sanadkan.

Waxaase wax walba is badaleen markii la gaaray waqtigii la wada sugayay ee lagu balamay doorashada Madaxweynaha oo aheyd  maalintii Arbacada, waxaana loo wada dareeraray Doorashadii  oo doorkan Sababo Amni darteed loogu qabtay Xerada Ciidanka Cirka ee Afizione. waxaana goobta soo xaadiriyay 23 Musharax oo u taagan Tartanka kursiga Madaxweynaha iyo 328 Xildhibaan oo u  soo diyaar  garoobay ineey u kala gar qaadan. iyo  sidoo kale Xubno ka kala socday Beesha Caalamka si ay marqaati uga noqdaan Doorashada.

 Bilowgiiba waxaa goobta Doorashada looga cudur daaray Xildhibaanka kaliya ee maalintaa madasha xanuunka  uga  maqanaa   balse AUN dhawaan geeriyooday,sidoo kale waxaa loo  yeeray 3 Murashax oo laba ka mid ahi ay maalmo ka hor shaaciyeen ka haritaanka Musharax nimada kuwaas oo kala ahaa  Dr Abdulaahi ,Md Mohamed Faroole iyo Md Zakariye Xaaji,

       

Hase yeeshee hadal uu  maalintaa goobta ka jeediyay  Xildh  Zakariye ayaa noqday hadal taariikhiya islamarkaana qeyb ka ahaa sida muuqatay ololihii lagu dhiiri galinayay isbadalka  sida laga dareemayayna si  wey u saameeyay  Xildhibaanada.

Intaa ka dib waxaa la guda galay Doorshadii oo u muuqatay iney si weyn uga duwaneyd tii 2012 kii. marka laga  eego tirada Baarlamaanka. tan Musharaxiinta iyo hanaanka loo diyaariyayba. waxaana safka hore soo camiray 21 Musharax oo isku kalsoon oo  ey ku jiraan 2-Madaxweyne iyo 2-Reysal wasaare oo  horay  dalka uga soo shaqeeyay, Musharaxiin lagu yaqaano Siyaasadda iyo kuwa ay wajiyadoodu  nagu cusbaayeenba.,  Balse hadii cabir gaar ah  lagu eego u muuqday ineey Musharaxiintu goobta Doorashada ku yimaadeen labo daraf  oo kala ahaa  daraf Isbadal doon ah  iyo mid Horu  socod ah. 

Dad badani waxa ay si aad ah u xasuusteen  soo bixitaankii  Xildhibaanada iyo sidoo kale dhoolatusyadii ay sameeyeen waqtigii ololaha lagu jiray  labada Musharax ee loo arkayay ineey ugu tun weyn yihiin sanadkaan sida weyna ugu xafiil tamayay masraxyada tartanka  kuwaas oo kala ah Madaxweynaha talada hayay 4tii Sano ee la soo dhaafay oo isaga lagu  tuhmayay dhaqaale iyo awoodo aan loo tirineyn Musharaxiinta kale. Iyo  isaga oo weliba maalin ka hor doorashada   soo bandhigay dhoolatus siyaasadeed oo aad u weyn oo ay ka sacaba tumayeen  220 Xildhibaan. 

Sidaa si la mid ah  Musharaxa labaad ee àad loo hadal hayay waxa uu ahaa Madaxweyihii DKGM aheyd Md Shariif Sh Axmed. oo qudhiisu xili uu kaftamayay meel fagaare ah ka sheegay Wixii lacago ah hala qaato balse in uu isagu sanadkaan Madaxweyne ka noqon doono dalka taasoo ay dad badani rumeysteen.  

Markiise tirinta codadku bilowdeen  dad badan  ayey filan waa ku noqotay natiijada ka soo baxday Wareegii 1-aad ee Doorashada ka dib markii uu tirada Cododka uu xaga hogaanka garabka ku soo qabtay   Musharax Mohamed Abdullhi Farmaajo oo aan markii hore  laga fileyn halka uu yimid. 

Sida sharcigu ahaa waxaa Wareega 2 aad u soo baxay 4-tii Murashax ee ugu Codadka badnaa  oo kala ahaa.Md Xasan Shiikh.,  Md Sh. Shariif , Md  Cumar C/rishiid iyo Md  Farmaajo. 

waxaase inta aan la guda galin Wareega labaad  isaga hadhay Tartanka Musharax Cumar C/rishiid goobtana ka sheegay hadal  u muuqday baaq uuna ku go’aaminayay halka loo weecin doono codadkiisa

Mar kalaa waxaa kabaha isla gashaday wareegii 2 aad Sadexdii Musharax ee kale  waxaana dhacay wixii dhici lahaa oo ah in  ay cododku si weyn ugu hoobtaan dhankii Musharax Mohamed  Abdullhi  Farmaajo. 

 

Dhamaan waa howl la wada qabtay marka laga reebo Musharax Xasan Shiikh Maxamuud oo isagu ahaa Musharax taageeradiisa iyo galaangal kiisa Doorashada ku aaminay qaar ka mid ah Madaxweyne Goboleedyadii ay soo dhistay  Dowladii uu hogaaminayey   iyo saaxiibadiisa gaarka ah oo qudha.

Waxaase  Arin taariikhiya  aheyd oo lagu wada  farxay  sida geesinimada leh ee uu uga haray Wareega 3aad isla markaana uu aqbalay durbadiiba natiijadii doorashada uguna hanbalyeeyay Musharaxii kaga guuleystay doorashada. 

 

Dhanka kale waxa uu Noqday Md Farmaajo. Burburkii ka dib Madaxweynihii labaad  ee dalka gudihiisa lagu doorto, waxa kaloo uu noqday Madaxweyne   ay  si wadajir ah  mar qudha u soo wada dhaweeyaan Bulshada Soomaaliyeed  waxaana ku dhawaaqistiisa oo aan la shaacin ka bilowday Dalka gaar ahaan Caasimadda  isku soo baxyo lagu taageerayo Madaxweynaha la doortay.

 Si taas la mid waxaa iyaguna taageero aan kala hadh laheyn u muujiyay Ciidamada Dowladda oo malaha habeenki doorashada  farxad awgeed cirka u riday rasaas maalin dagaal ka badan.iyo dadka Soomaaliyeed ee ka daawanayay Shaashadaha kuna kala suganaa gobolada  iyo  dalka   dibadiisaba, hase yeeshee halku dhiga sanadkaan doorashada laga dhaxlay waxa uu noqday ARFARMAAJO IIGEEYA. oo wiil reer jowhar ah uu ku soo caan baxay farmaajana kula kulmay.

 

Halkaa marka ay taagan tahay.!!!  Madaxweynaha la doortay  Md Mohamed Abdullhi Farmajo, waxa ay Shacabka Soomaaliyeed  meel kasta ha joogee  ka filanayaan filasha aad uga culeys badan miisaan kiisa iyo maskaxdiisaba, taasoo ah  in uu u qaban doono dhaman rajooyinkii ay ku waayeen dagaalada sokooye. Sida Dowlad wax qabad leh, wanaajinta xiriirka caalamka, Siyaasad xasiloon, Dhismaha Ciidamada, Saarista Ciidamada Shisheeye, Abuurista ilo dhaqaale,   Cadaalad, Nabad, Midnimo, Horumar, Barwaaqo. iyo qodoba kaloo aan ka tagayba,lagana yaabo dhamaan qodobadaasi iyo kuwa ka badanba iney shacabka u jidbeysani ka doonayaan Madaxweynaha Cusub in uu si dag dag  ah ugu wada qabto Taasina waa mid aan suurtagal aheyn  marka loo fiiriyo burburka dalka iyo dadka  soo gaaray inta uu le’eg yahay.

” Xusuus noow hadaad horay u aragtay wadamo loogu yeero dalalka horumaray kuma hor marin oo kaliya  iney heleen Madax wanaagsan, ee waxaa hor mariyay Shacab mideysan oo dhistay Wadankooda kana ilaaliyay xumaanta, ” 

Sidaa daraadeed maanta  waxaa shacabka Soomaaliyeed iyo Baarlamaan kaba la gudboon  si ay  mira dhal u noqoto  taageeradeedu iney  si ficil ah u garab istaagaan Madaxda Sare iyo Xukuumada soo socotaba  si loo xoojiyo shaqooyinkii adkaa ee ay dalka ka soo qabteen dowladihii isaga kala dambeeyay,  una  dhabawdo in awooda shacabku ay tahay mida kaliya ee  maanta wax ka  badali karta marxaladda  uu dalkeenu ku sugan yahay.  mustaqbalka dhowna  aan  ku  guuleysano  qeybo ka mid riyooyin keena. 

“Walwalka kaliya ee aan qabo waa inaan qaban waayo wax yaabaha ay iga rajeynayaan  inaan u qaban doono shacabka Soomaaliyeed.” Sidaa waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo xiligii uu ku jiray ololaha doorashada,…….  waana mid muujineysa Dareenka uu Madaxweynaha la doortay ka qabay  culeysyada is dul saaran ee ka jira Dalkeena iyo caqabadaha ku hor gudban.

Dhanka kale Dunidaan aynu joogno Siyaasi kasta oo ku Guuleysta Xil uu u tartamay kaligii guul ma keenin ee waxa uu helay dad u heelan oo doonaya ineey guul wada gaaraan.” ……waa hadal  xaqiiq ah waayoo hadii aaneey u heelanaanta ISBADAL DOONKA ahi ka dhex jiri laheyn Baarlamaanka iyo Shacabkaba  waa hubanti in aysan Md Farmaajo  iyo Saaxiibadiiba  ku guuleysan laheyn Qorshahoodii Doorashada.

Si kastaba,Madaxweynaha cusub  waxaa   Horyaala  howlo aad u cul culus oo  u baahan taxadar iyo go’aan qaadasho dhab ah iyo  inuu u xusho shaqada Dowladda uu hogaamin doono  shaqsiyaad aqoon iyo Wadaniyad leh oo aan ku imaan Qabiil, Urur iyo Saaxiib tinimo, maadaama arinku ka duwan yahay waqtigii  6 da bilood ahaa  ee  soo martay Md Farmaajo,  oo runtii aheyd  markii ay qalbiyadooda  siiyeen Ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeedba.

 Ugu dambeyntii  Md Madaxweyne,  waxaan doorkaana ku leenayahay waan  ku siinay mar kale Qalbiyadeena  ee  Rabi  ha kula garab galo masuuliyadda uu noogu kaa dhiibay oo run ahaantii ah mid  ka culus tii hore,  ogoowna  Alle SWTC ka sokoow Rajada kaliya ee  ay maanta dadka Soomaaliyeed eeganayaan  waa Adiga iyo Xukuumadda kula shaqeyn doonta,waxa ay kaa filanayaana waa   dowlad  u adeegta Soomaalida dal iyo dibadba ku nool   oo aan ka adeegan. isla markaana ay dad weynuhuna wax  ku darsan karaan, inta ay ka arkayaana  waxa ay ku leeyihiin Shacabkaagu:-  FARMAAJOOW WELI FAR  BAA NOO TAAGAN.!!

           =Dhamaad/=

WQ:- Abdulkadir Dulyar 

Email:- Dulyar23@gmail.com 

 

        -Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here