Warbixin: Gaas iyo Afkaarta Iska- Daba Wareegta

0

Janaayo 2012, waxaa carcar Suuriya uga socda kacaankii sannadkii ka horeeyay ka dillaacay magaalada Darca, oo ku baahay gobollo badan. Madaxweyne Bashar Al Assad, oo ay xaaladda ku adag tahay, waxay saxaafadda adduunka sheegaysaa in xaaskiisa iyo qoyskiisa ay London u qaxeen, asagana carar yahay. Warbaahinta adduunka waxay xiriiro la sammeynayaan inta ay is leeyihiin waa indheer garad Suuriyaan ah.

Haytham Maalix, waagaas waa 81 jir, ahaa abukaate, garsoore sarre maxkamad soo maray, muddo ka soo horjeeday reer Assad, dagaal uu u galay dhowridda xuquuqul insaanka, ku dhaqanka sharciga, joojinta cabburinta mucaaradka, iyo caddaaladda. Illaa yaraantiisa xabsi buu u galay halgankiisa, asagoo da’ ah xitaa laga ma harin, xabsi ayaa loo taxaabay 2009, asagoo sannado xirnaa. Khabiirkaas dunnida oo dhan ay abaal marino siisay, waxaa waraystay Wargeyska Daily Telegraph ee UK, wuxuu sheegay wax adduunka ka yaabiyay: “ Assad iyo qoyskiisa waa in loo dilaa sidii Qadaafi, qof nabad istaahila ma aha”.

Prof. Barbara F Walter, oo madax ka ah kulliyadda daraasaadka sarre ee Jaamacadda California, ahna khabiirad ku takhasustay Bariga Dhexe, ayaa ayadoo soo xiganaysa wuxuu Haitham sheegay talo ku siiyay dowladda Maraykanka, “Carab fikirka iska- daba wareega (Cyclical Thinking) ma joojinanayaan waa dhaqankooda, hadduu shaydaan Assad baxo, shaydaan Haitham ayaa imaanaya, aqoon walba ha heeshee xuquuq ku tumasho, diktarooriyad, halkeeda ayay ka socon doontaa, ee shaydaanka aan hadda fahamnay, ayaa dhaamma shaydaan cusub, dhaqanka bulshadeedkaa qof ruxa, bulshada ka weeciya, geesinimo ayay rabtaa si lagu helo ma sahalana”.

Sida ay Walter sheegtay si la mid ah, qof ruxa hab dhaqanka Soomaalida guud ahaan waxay ahayd muhiim. Jannaayo 2014, marka la doortay Prof Cabdiweli Gaas, PhD dhaqaale, wax ka bartay jaamacadaha adduunka ugu sarreeya, cilmi ay u dheerey RW-nimo, siyaasadda Xamar ka soo billaabay oo og baahiyaha dalka, dad badan baa ka filayay in uu jebiyo “cyclical thinking” ka dhex jira hoggaanka siyaasadda bulshada Puntland ee mararka qaarkood caqliga, damiirka waddaniyad iyo cilmigaba khilaafsan. Puntland-tidii Faroole, waxay sammeystay dastuur u muuqda in dal Jamhuuriyaddaba ka weyn ay tahay, wararka xanafta ee Faroole ka bixi jiray, ee lagu duri jiray dowladda dhexe, wuxuu sumeyn jiray kummanaan shacab ah, oo afkaaro kale u baahnaa. Joogsi ma lahayn inta jeer ee uu Itoobiya garabsan jiray, kala fogeyn jiray Soomaaliya, inta jeer ee uu xiriirka dowladda dhexe u jari jiray, inte jeer ee na lama tashan uu dhihi jiray. Puntland-tii Faroole ma ahayn maamul ay Soomaaliya ka maqan tahay, oo dhisme uga baahan, waxay ahayd maamul ay Soomaaliya wax uga maqan yihiin, oo soo dhacsasho ay muhiim u tahay ka hor inta aysan dad kale iska dhisan.

Prof Gaas, laba waddo ayaa u furneyd:

1) In uu ku hoggaamiyo Puntland siyaasad geesinimo, rogta dhaqan siyaasadeedka ka jiray, sare-na u qaado, gaarsiisana heerkiisa aqoonneed, iyo ilbaxnimo, si dalka intiisa kalena ay Puntland hormuud ugu noqoto, Puntland-na ay qeyb uga noqoto baadi-goobka Soomaaliyada maqan.

2)- In uu raaco aragtida caamada guud ee ah wax soo dhacsasho iyo raaciddii siyaasaddiisa “na lama tashan”.

Labadaan waddo wuu ku wareeray muddo. Heer waxay gaartay in aqoonyahankii murtida badnaa, uu markuu hadlayo u ekaado “qof doqon ah, dhoohanae aan waxba garan” sababtu waxay tahay, kuma raaxaysannayo waxa ay duruufta ku kalifeyso inuu ku hadlo iyo u ololeynta gobol ka mid ah Soomaaliya, iyo sammeynta wax dannaha dalka ka soo horjeeda. Wuxuu galay “is duqeyn fikriyeed asaga u gaar ah”, sida Faroole ugu ma raaxaysan karayn waxa hor yaalla ka hadalkooda.

Ugu dambeyn wuxuu go’aansaday waddada dambe. Wuxuu keennay afkaar cilmiga iyo caqligaba ka fog, wuxuu ku kacay falal derajadiisa ka hooseya:

1- In degmo maamul (ma aha degmo doorasho) lagu xulo baaralamaankii Farmaajo doortay.
2- In halkii Faroole uu ka ambaqaado xiriirkii dowladaha
3- Qeyb ka noqday dagaal dhiig ku daatay, oo ka dhacay Tukaraq, Gaalkacyo
4- In uu ku diidannaa maamulka Galmudug in uu yahay mid gobol iyo bar ah oo aan dartuuri ahayn, balse aqoonsaday maamulka Bakool Sare.
5- In uu xiriir toos ah la yeesho dowladdo shisheeye sida Imaaraatka ayadoo ay dowladdii dhexe ay go’aan dhexdhexaadnimo qaadatay, “Soomaaliya Muqdisho ma aha”.
6- Unkidda Gole maamul goboleed, oo dowladda dhexe culeys saara asagoo Kismaayo ka sheegay in “dowladda Muqdisho ay ka taliso 10% dalka”.

Afkaarta Soomaalida ragaadisay, ama miyi ayay ka timid, ama colaadahaa keennay, ama keli-taliskii. Sidoo kale waxaa keena warbaahin wacyi qaldan dhista, ama abwaan asagoo marqaarsan heeso alifa. Afkaarahaas cilmiga ka soo horjeeda, ee ruxidda iyo suulinta u baahan waxay ka jiraan gobol walba, balse Puntland waa gobolka keliya ee helay qof heerkaas cilmiyeed gaarsiisan.

Waa culeys in feker bulshadeed kaa fac weyn lala dagaalo. Dadka afkaaraha bulshada “cyclical thinking” ruxa, ee waddo cusub oo aysan ka fekerin u jeexa, waxay helaan maqaam gaar ah. December 5, 2013 markii uu Nelson Mandela geeriyooday, warbaahinta Africa iyo Carabtaba, waxay aad uga hadlayeen xurriyadda uu u keennay dadkiisa, hase ahaatee warbaahinta reer Galbeedka waxay aad ugu amaanneen geesinimadiisa ku aaddaneyd in uu ka hor tagay in bulshadii la gumeystay ay ka aarsadaan kuwii gumeystay, dalka dagaal sokeeye ka badbaadiyay.

Bulshada dembi ma laha oo qaarkood afkaarahaas ayagoo aan ogeyn ayay maxbuus u yihiin. Henry Ford, aasaasihii shirkadda baabuurta ee Ford, ayaa mar la weydiiyay in uu shacabka weydiiyay waxa ay rabaan ka hor inta uusan baabuurkii ugu horeeyay soo saarin, wuxuu ku jawaabay, “haddaad waagaas dadka weydiin lahaa gaadiid noocee rabtaan, waxay I dhihi lahaayeen faras orod badan”.
Prof. Gaas, inta ka fileysay in uu ergo qaran ka noqdo Puntland “cyclical thinking”ka jirayna jebiyo, waa ku hungoobeen, inta ka filaysay in uu xaq jir Puntland noqdana, wuu ka soo daahay, in ku filan kama helin.

Ma ogi inuu wax beddeli lahaa haddii mar labaad la doorto!