Warbixin: Isma ogide Jabka Hormuud waa Jabkaaga!

0

Ciidamo ka tirsan Dowladda Kenya ayaa shaqo ka dhigtay inay Dilaan Shaqaalaha Sharkadda Isgaarsiiinta Soomaaliya laga lee yahay ee Hormuud, waxayna burburiyaan Xarumo ay Shirkaddu leedaahay, arintaan ayaa inta badan ka dhacda Gobolka Gedo ee hoostagaa Maamulka Jubbaland, waxaana ilaa hada la diwaan galiyay Dilka Sadex Shaqaala iyo burburinta Sadex Xarumood oo ka Howlgalayay Gobolkaas,

Hormuud waa isgaarsiinta ugu balaaran Dalka Somalia waana Shirkadda ugu Shirkada badan oo boqolaal Ganacsato Somalia ah ayaa gashaday maalkooda kuwaas oo iskugu jira Heerarka hoose, Dhexe, iyo Sare, waa iridda labaad ee Shaqo loo doonto marka laga soo dago Xafiis Dowladeed.

Shirkadaan Waxay Dalka ka hirgalisay Xarumo Caafimaad, Jamacado, Iskuulo, Beero, Xaafado iyo Dadku dagaan, waxay ka qayb qaadataa Dibu dhiska iyo soo kabashada Dalka, intaas waxaa dheer, inay Gacanta ku hayso Agoon, iyo Danyar gaaraya Boqolaal, waxayna ka qayb qaadataa Caawinta dbibane kasta oo Somalia ah, Waxay kaloo bixisaa Canshuurta ugu badan ee Sedexaad marka laga soo tago Dekadda iyo Garoonka Muqdisho, Canshuurtaas oo Ciidanka Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladdu ay qaatan.

In Ciidanka Kenya Burburiyaan Sharkad Howsha intaas la eg Bulshada u haysa oo Dilaan Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Xamaalanayay uusanna muuqan Ficil arintaas looga hortayo oo Dowladda Soomaaliya hor kacaysa waa Nasiib daro, Dowladda Somalia ayaan arintaas wili si fiican xitaa uga hadlin marka Laga soo tago Hadalkii qaboobaa ee Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Hormuud la mid maaha Hantida gaarka loo leeyahay oo kale, walow Dowaldda Somalia looga fadhiyo Dicaafa Hantida Shacabka Guud iyo gaarba, hadana Hormuud waa Hanti ka dhaxaysa Kumanaan Somalia ah Burburkeeda ma jirto Qof Somalia oo ku farxaya ama aysan Saamaynayn,

Ugu danbayntii Jabka Hormuud waa Jabka Kumanaan Somalia ah ee Madaxda Dalka u dhaaratay, iyo Baarlamaanka Shacabka Matalayay ma waxay ku qanceen Xasuuqa Muwaadiniinta Xoogsanayay iyo Burburinta Hantida Shacabka ee Dowladda aysan qarsoonayn Cadawadda ay Somalia ku hayso ee Kenya wado, mise Xariirka Kenya ayay ilaashanayaan Haday tan danbe tahay waa ayaan daro inaad ilaaliso Xariirka dalk Buqnaha ku goynaya, Haday ku qanceen Falaalka Xoosha xun lagu burburinayo Hantida Soomaaliyeedna waa Isma ogaal aqalka aslaya.

W/Q: Ali yare Abdiwahab Aden

Email: Caliyareg@gmail.com