Warbixin: Shirkii Kismaayo oo Banaanka keenay Arrimo qarsoonaa

0

Sabtidii ayaa madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya waxay kulankii uga socday Kismaayo ka soo saareen war-murtiyeed ay xiriirka ugu jareen dawladda Soomaaliya.

Isla markiiba waxaa arrintaas ganafka ku dhuftay madaxweyne ku xigeennada laba ka mid ah maamul-goboleedyadaas – Puntland iyo Galmudug.

Maantana furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya waxaa hadallo ka jeediyey guddoomiyeyaasha baarlamaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, waxayna sheegeen inay la shaqaynayaan dawladda federaalka.

Haddaba, qormadan waxaan ku eegeynaa cawaaqibka ka dhashay go’aanka ay madaxda maamul goboleedyadu kaga dhawaaqeen Kismaayo, iyo waxyaabaha uu dibadda soo dhigay.

Dhaqanka maamul goboleedyada ee xiriir u jaridda dawladda

Dhowr goor oo hore ayey siyaabo kala duwan isugu dheceen maamul goboleedyada iyo dawladda federaalka ee Soomaaliya.

Mar walba oo ay si gooni gooni ah isugu dhacaanna waxaa soo yeeraysay in “maamul goboleed hebel uu xiriirka u jaray dawladda”.

Go’aankan ugu dambeeyey ee ay Kismaayo kaga dhawaaqeen waa in ay cududdooda mideeyeen.
Khilaaf ka dhex jira maamul goboleedyada gudahooda oo dibadda u soo baxay

Xiisaddan waxay dibadda u soo bixisay khilaafaad bulshada ka qarsoonaa iyo kuwo la mooday in la xalliyey.

Ma ahayn arrin aan la biciidsan karin inuu hadlo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo isaga iyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkiisa ay weli ku kacsan yihiin madaxweynahooda.

Laakin waxaa arrintooda sii cusleeyey, oo mug iyo miisaan u sii yeelay, madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin Xaaji Cumar Camey, oo isna ka hor yimid markii ugu horraysay go’aan uu garwadeen ka yahay madaxweynihiisa.

Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faallooda arrimaha gobolka iyo Soomaaliya wuxuu qabaa in go’aanka Kismaayo ka soo baxay uu dibadda soo dhigay “khilaaf naga qarsoonaa oo beesha caalamku ay isku haysay. Dhinaca kale, wuxuu dibadda soo dhigay khilaaf maamul goboleedyada qudhooda – iyagana dhex yaalla, qaarkoodna madaxweyneyaashooda iyo ku xigeennadooda dhex yaalla”.

Dawladda ma laba wajiileynaysaa?

Qoraal uu galinkii dambe ee isla Sabtidii soo saaray madaxweynaha Soomaliya ayuu madaxda maamullada ugu yeeray “shir wadatashi” oo ka dhacaya Muqdisho 17-18 Siteembar.

Baaqaas waxaa loo arkay dhiig joojin iyo in uu u taagan yahay maslaxad raadin, si ay labada dhinac isugu soo dhowaadaan.

Laba maalmood ka dib, Isniintii 10 Siteembar, waxaa kalfadhiga baarlamaanka wadashaqayn ay dawladda federaalka la yeelanayaan ka hor jeediyey labada guddoomiye baarlamaan ee Hirshabeelle iyo Galmudug.

Waxaa kale oo wararku ay sheegayaan in saacadahaas garoonka dayaaradaha ee Muqdisho laga celiyey weriyeyaal doonayey in ay soo tabiyaan imaatinka madaxweynaha maamul-goboleedka Hirshabeelle oo ka soo laabtay Kismaayo.

“Go’aanka madaxweynaha ee ah in shir la isugu yimaado 17-18 Siteembar waa go’aan dhiig joojin ah sidii ku haboonaydna ah. Dhanka kale marka la fiiriyana waxa soo baxaya laba arrimood oo ah in dawladdu ay laba gacmaynayso – marna ay shir ugu yeertay madaxda, marna ay guddoomiyeyaasha baarlamannada casumayaan, ku xigeennadii qaarkoodna ay ka hadalsiiyeen” ayuu yiri Dr Bursaliid.

Laakinse maamul goboleedyada qudhooda ayuu u arkaa in ay “ka badbadiyeen. Mar hadday shan maalmood fadhiyeen, oo war-murtriyeed ay soo saareen, inay intaas uga haraan ayey ahayd ee ma ahayn in nin walba uu si jeesjees ah u hadlo, ama shaqsiyaad la magacaabo” ayuu sii raaciyey.

Nidaamka federaalka ah miyaa wax-saarka leh?

Tan iyo intii ay Soomaaliya ka baxday ku-meel-gaarka, ee la qaatay nidaamka federaalka muddo 6 sano laga joogo, dad badan oo wax indha-indheeya waxay aad uga dardaar werinayeen in nidaamkaas uusan la jaan qaadi karin hanaanka dawliga ah ee Soomaaliya lagu dhaqi karo.

Sababta waxaa lagu sheegay in nidaamkan loogu tala galay in uu isku hayo dad kala isir, diin, af iyo dhaqan ah.

Laakinse dad kale ayaa qaba in marba haddii wax qaybsiga siyaasadda ee Soomaaliya lagu saleeyey 4.5, in la federaaleyn karo nidaamka dawliga ah, si uu federaalku damaanad ugu noqdo wax wada qaybsiga.

Taasi waxay keentay in meelna loo socon waayo, shuruuc badan iyo qorsheyaal badan oo la meel marin lahaa ay hirgali waayaan ama gaabis noqdaan, awoodihii isku ekaadaan, xagal daac uu ku yimaado qabyo-qoraalka dastuurka.

Dr Ibraahim farax Bursaliid wuxuuqabaa in “dawladdu waxay rabto ay iska samayso oo aan la tashi badan la gelinin maamullada”.

Doorashooyinka Maamul-goboleedyada

Dhan kale ayuu arrinta ka eegay Dr Bursaliid, wuxuuna leeyahay “waxay ku soo aadday xilli doorasho oo seddex maamul oo ka mid ah shanta maamul ee meesha ku shiray ay doorashooyin ku soo fool leeyihiin, sidaa darteedna ay muhiim la noqotay in ay rux-ruxdaan xukuumadda iyo ciddii kale ee ay dhega-nuglaan kaga heli karaan”.

Isla arrimaha doorashooyinka maamul goboleedyada ayuu ku sii dheeraaday Dr Bursaliid, wuxuuna iftiimiyey arrin ku saabsan kalsoonida ay madaxda maamulladu ku qabaan inay doorashooyinka ku guulaystaan.

“Qodob kale ayaa ah in la is raad-raadsanayo, oo madaxda qaarkood rajadii ay ka lahaayeen dadka soo dooran lahaa ay yaraatay, sidaa darteedna ay doonayaan in inta uu jiro khilaafka ayaga iyo xukuumadda dhex yaalla ay si fowdo ah oo gacmo taag ah ay dib ugu soo noqdaan” ayuu sii raaciyey.

Sidee looga gudbi karaa?

Dr Bursaliid waxaa u muuqda in “maamullada intooda badan ama uu ka dhex jiro khilaaf gudahooda ah, ama uu ka yimid khilaaf ama baarlamaannadooda ama ku xigeennadooda ah”.

Wuxuu saadaalinayaa in “madaxda maamullada ay suurtogal tahay in lagu khasbo, khilaafkaas gudahooda ka jira dartiis, inay xukuumadda la fariistaan, shirka 17-18 dhici doona ka horna la qaban doono shirar hoose oo arrinta lagu sii xallinayo”.

Wuxuu kaloo saadaashiisa xalka uu ku imaan karo uu ku daray in “ergayga gaarka ah ee QM, ama kan wakhtigiisu dhamaaday, ama kan imaanaya, ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan isu soo dhoweynta, oo aan markan Soomaali kaligeed la isu deyn doonin”.

Wuxuuse hoosta ka xarriiqay qodobka ugu habboon, uguna fudud ee ah “in madaxweynuhu uu u tafa-xayto inuu wakiil dirsado, ama uu isagu qof ahaan tuulo-tuulo u tago, si dadka la isugu soo celiyo”.