Warbixin:- Somalia ma leedahay Dastuur mise la xaday?

0

Soomaaliyey ma lee nahay dastuur nalaga xaday ama aan haysanno?

Laba asbuuc ka hor Gudoomiye Muudey ayaa sheegay in uu soo helay Dastuur horay looga xaday dalka, waxaana u Jawaabay Wasiirka Dastuurka, Xoghayaha Barlamaanka iyo qaar ka mid ah Gudiyada dib u eegista Dastuurka oo sheegay in aan haysano Dastuur sax ah oo Dawladu ku shaqayso.

Asbuuc kadib M. Gaas oo joogay dal shisheeye, hoosna taagnaa Calan shisheeye ayaa sheegay in Dastuurka Puntland u banaynayo in heshiisyo uu la galo Dawlado shisheeye.

Maanta M. Axmed Madoobe ayaa safarkiisii Addis-Ababa kadib Kismayo ka sheegay in dhulkiisa Dawladda Fedaraalku kusoo xad-gudubtay, lagana rabay in ay kasoo gasho Albaabka saxda ah.

Waxaa mudan in Somaalidu is waydiiso;

Ma jiraa Dastuur u yaalla Dawladaha Adduunka ama Somaaliya oo banaynaya;

Dastuuro badan?, Magacyo Dawlado badan? Calamo badan? Madaxwayne yaal badan? Xuduud dhuleed, badeed iyo hawo badan? Awoodo Dawlado badan dal kaliya? Qaab dhismeed Dawlado badan iwm?

Taariikhda Dastuurka Qabyada ah ee noo yaal, qaybtii la xaday iyo qaybta la haysto waxa ay ka dhalatay heshiiskii Kambala 2011, waxaana loo aqoonsaday awooda dalka 6 Qof kaliya oo kala aheed 3 Fedaraal ah: Sh. Shariif, Shariif Xasan iyo Gaas iyo 3 Maamul-gobaleed loo aqoonsaday; Faroole, Cabdi Qaybdiid iyo C/qadir Macalin Nur Ahlu-sunna, waana 6 da Qof ee saxiixday Dastuurka la xaday, waxaana garwadeen ka ahaa UN iyo IGAD, waxaana ku baxay sida la sheegay $50 Million, waxa ayna u magacaabeen Guddi lagu magacaabi jiray FCC oo tiradoodu dhameed 30 qof oo aqoon iyo khibrad aan u laheen Dastuur, waxaana loo qoray 6 qof oo khubaro ahaa oo Jawaari Madax u ahaa, markii la qoray waxaa la geeyay Garoowe1 & 2 , markii la isku khilaafay ayaa la geeyay Addis- ababa, waxaana loo dhiibay khubaro kale oo Ethoipia iyo IGAD wadatay, waxaana laga saaray sida la sheegay ilaa 70 Qodob oo aan la garanayn ilaa iyo hadda meesha ay jiraan, kadib waxaa la geeyay Nairobi si loo saxiixo, waxaase diiday Sh. Shariif oo shirkii ka baxay, lkn loo diiday in uu soo baxo looguna hanjabay in qaswade loo aqoonsan-doono sidaas ayuuna ku saxiixay, kadib Xamar ayaa la yimid, 6 dii nin ayaana u soo xulay 800 Oday oo aan Dastuur waxba ka fahamsanayn, waxaana la sheegay in ay ansixiyeen kuna dareen talooyin iyo qodobo cusub, lkn laguma darin qodobadaas, lamana oga halka ay jiraan ilaa iyo hadda, Barlamaankii 9 aad ee 2012 ayaa qodobo ka bedelay, kuwa kalena ku daray, kadibna daabacay.

Nasiib-darro waxaa muuqata in Somaaliya aysan ku socon jidkii ay ku gaari laheed hal Dastuur oo ay ku kalsoontahay iyo hal Dawlo oo Matasho Dadkeeda iyo Dalkeeda Tusaale;

1960 kii Wasiirkii Dastuurka waxa uu Qoraalka iyo Aftida ku dhameeyay Sanad ka yar, kadibna ma jirin Wasiir iyo Gudiyo Dastuur!

Maanta waxaa Dastuur kaliya ka shaqeeya;

Gudi Madax-banaan 5 + 5 Gudi Gobaleed + 12 Wasiir Dastuur& ku xigeen Fedaraal iyo Gobaleed + 10 Qof x 6 Gudi Barlamaan Fedataal iyo Gobaleed

Gudiyada, Wasiirada iyo La taliyaasha qaabilsan qabya-tirka Dastuurka Qabyada ee Somaaliya waxa ay ka badanyihiin 100 qof oo kala aragti duwan, kala Deegaan iyo Qabiil duwan, kala Madax iyo Dano duwan, kala Taageera iyo Dhaqaale duwan!

Ma soo saari karaan Dastuur mid ah oo Somaali mideeya?

“Dherigii kariyaal badiyaa waa fuud qaraareeyaa”.

Qabya tirka Dastuurka waxa uu u baahanyahay kaliya 3 ilaa 5 Khabiir oo qorta, kadibna Qandaraas lagu siiyo Shirkad warbaahin oo dadka u baahisa kadibna Afti ka qaada iyada oo adeegsanaysa Tiknaloojiyada, Qof kastana aftida uga qaada halka uu joogo, haddii Somalida lagu qiyaasay 12 Million ilaa 4 Million ayaa Afti laga qaadi karaa, waana sahlantahay. Lkn haddii Siminar, Workshop iyo Shirar waqtiga lagu dhameeyo lama gaarayo, waxa uuna noqonayaa Mashruucii Faanoole!

Hadaba waxaa habboon in Madaxwaynaha Fedaraalka uu hago geedi socodka Qabya-tirka Dastuurka, kalana xadido awoodaha Gudiyada iyo Wasaaradaha faraha badan, Waqti lasoo dhameeyana u qabto.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)